Farmaajo oo Markii Ugu Horeysay Raali Gelin Siiyay Somaliland

0
1434

Muqdisho (Hargeisa Press)- Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay sheegay inuu raalligalin ka bixinayo “dhibaatadii ka dhacay Somaliland”, intii ay jirtay dowladdii milatariga ee Maxamed Siyaad Bare.

Isagoo ka hadlayay Shir sannadeedka labaad ee garsoorka Soomaaliya, oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayuu Farmaajo sheegay in isagoo madaxweynaha Soomaaliya ah uu arrintaas “cudurdaar ka bixinayo”.

“Waxaa loo baahan yahay garowsho iyo in wixii xumaa ee dhacay la iska cafiyo, wixii chapter(qeyb) madow ahaa oo taariikhdeenna galay inaan saxno. Macnaheedu waxay tahay, dhibkaas ka dhacay Somaliland inaan cudur-daar ka sameyno, inaan raalligalin ka sameyno, dadkaas walaalaheenna ah intii dhimatay iyo intii dhaawacantay, aan nidhaahno taariikh xun bay ahayd, waa wax aan soo marnay”. ayuu tidhi Madaxweyne Farmaajo.

“Runtii wixii halkaas ka dhacayna sababtii ka dambeysay ma ahayn Koonfur oo Waqooyi ku duushay, wax qabiil ku saleysanna ma ahayn, waxay ahayd system(nidaam) dowli ah oo markaas jiray”, ayuu hadalka ku daray Farmaajo.

Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu intaas ku daray: “Anigoo madaxweynihii Qaranka ah inaan cudurdaarkaas sameeyo oo raalligalintaas aan gaadhsiino walaalaheen reer Waqooyi idinkuna aad ila qaadataan. Dhanka kale dadkii qoryaha watay ee dagaallamayay iyagana laftooda cudurdaar baa laga rabaa”.

Xasuuqaasi ay dawladdii Maxamed Siyaad Bare Ka gaysatay Somaliland ayaa waxaa uu ka dhacay Hargeysa iyo deegaano kale dabayaaqadii 1980-meyadii.

Ka dib markii ay burburtay dowladdii militariga, Somaliland waxay ku dhawaaqday madaxbannaani iyo in ay tahay dal ka go’ay Soomaaliya, inkastoo weli aan si caalami ah loo aqoonsan.

Saraakiil hore oo ka tirsanaa dowladdii milatariga ee Soomaaliya ayaa dhacdooyinkaas awgood dacwado looga gudbiyay, iyagoo ku sugan dibadda.

Waxaa ka mid ah wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Cali Samatar.

Sidoo kale, bishii March ee sannadkii lasoo dhaafay, xeerbeegti Maraykan ah ayaa dambi ku heshay, Kornayl Yusuf Cabdi Cali oo ku magac-dheer Kornayl Tuke, isagoo jidhdil Ka gaystay xilligii uu socday dagaalka. Waxaa lagu xukumay inuu bixiyo magdhaw gaadhaya 500,000 oo doollar.

Hadalka raalligalinta ah ee kasoo baxay Madaxweyne Farmaajo ayaa yimid hal maalin kaddib markii uu magaalada Addis Ababa kula kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Labada madaxweyne oo kulankoodii ugu horreeyay yeeshay tan iyo markii ay xilalka qabteen sannadkii 2017-kii ayaa isku arkay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Dowladda Somaliland iyo Soomaaliya labaduba way xaqiijiyeen inay wada fadhiisteen laakiin faah-faahin dheeraad ah kama ayna bixinin waxa ay ka wada hadleen.

In muddo ahba waxaa hakad ku jiray wadaxaajood u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, kaasoo la billaabay xilligii ay jirtay dowladdii kumeelgaadhka ahayd ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaan isku waafaqin inay isasoo horfadhiistaan tan iyo markii ay maamulka la wareegtay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo.

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY