Farmaajo iyo Wefti Uu Hogaaminayo oo Gaadhay Eritrea

0
894

Asmara (Hargeisa Press): Madaxweynaha fawladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku tegay dalka Eritrea.


Weftiga madaxweyne Farmaajo, markii ay gaadheen magaaladda Asmara ee caasimadda dalka Eritrea ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha.
Iyadoo kadibna uu madaxweynaha Eritrea xaruntiisa madaxtooyadda ku qaabilay Farmaajo iyo weftigiisa.

Ma jiro war rasmiya oo laga soo saaray u jeedadda safarka Farmaajo ee Eritrea.


Hase yeeshee qoraal kooban oo ay Villa Soomaaliya ka soo saartay safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay in ay uga bilaabantay socdaal laba maalmood ah.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlaya hannaanka kor loogu qaadi karo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal, si loo dardargeliyo qorsheyaasha ku qotoma ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirnaanta bulshada Gobolka.


“Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa muujiyay dareenkiisa farxadeed ee booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada wadajirka ah ee labada dowladood ay ku bixinayaan kor u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga oo mudnaan u leh labada dal” ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay madaxtooyadda Muqdisho.

Waxa kaloo warkaasi lagu sheegay in ay Soomaaliya ka go’an tahay xoojinta xidhiidhka labadda dal.


“Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an adkeynta xiriirka iskaashi iyo dhaqaale ee dalalka gobolka.

Taas oo xoojineysa in dalkeennu uu door muhiim ah ka qaato geeddi socodka horumarineed ee ay hiigsanayaan dalalka gobolku”.


Geesta kale madaxweyne Farmaajo iyo weftiga la socda ayaa ka soo kicitimay dalka Suudaan.

Halkaasoo Sabtidii shalay ay dawladda awood-wadaagga ah ee Suudaan iyo dhawr jabhadood ay heshiis nabadeed oo lagu doonayo in lagu xalliyo colaad tobanaan sanno soo taxnayd.

Colaadaasi oo ay malaayiin qof ku barakeceen, boqolaal kun oo qof na ay ku dhinteen.

Dhinaca kale dawladaha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sanadahan xidhiidhkoodu wanaagsanaa.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY