Fariin Ku Socota Madaxweyne Biixi . W/Q Dr. ahmed sultan suleiman

0
1341

Hadii aan maanta joogi lahaa kursiga M. weyne Biixi.

1 – Waxa aan kala diri lahaa guddida Covid-19, marka laga reebo M. Ku xigeenka oo isaguna kor joogtayn ku yeelan lahaa.

2 – Waxa aan magacaabi lahaa guddi dhakhaatiir ah oo ay hogaaminayaan kuwa seniorka ahi, gobol walbana 2 dhakhtar ayaan kaga dari lahaa, waayo kuwa hada guddida ahi maba fahansana xanuunkan iyo baaxadiisa.

3 – Waxa aan awooda siin lahaa wasaaradda Caafimaadka, wasiirka hada jooga ee aan lahayn aqoonta caafimaadna waan ka qaadi lahaa, waxana aan ku badali lahaa rag aqoon caafimaad leh oo wadanka in badan usoo shaqeeyay oo ay ka mid yihiin
Dr. Hassan Ismail Yusuf
#DrWalhad
Dr Ahmed Buhane ,
#Dr_Abdirahman_Jama_Hadi,
#Dr_Ismael_Aye
#DrGabose,
#DrAhmed_Essa,
#Dr_Duse iyo ruug cadaayo badan oo maanta banaanka jooga.

Hada ogow Brazil, Tajakistan iyo wadamo kale ayaa eryay wasiiradii caafimaadka markii ay ku guul dareysteen wax ka qabashada xaaladan lagu jiro.

4 – Waxa aan meesha ka dareerin lahaa agaasimayaasha hospitaalada, oo wali u shaqaynaya Covid19 hortii siduu xaalku ahaa, anigoo ku badali lahaa 8 caafimaad oo aqoonta cusub ku gaashaaman, dad weynahoodana u naxariisanaya, sumcadda caafimaadkana wanaajinaya.

5- Waxa aan shaqo ka erid iyo badal ku samayn lahaa kuwa Ambulance yada masuulka ka ah, kuwa gacanta ku haya Oxygen dhaliyaha iyo qof kasta oo maanta caqabad ku ah horumarka caafimaad ee wadanka.

6- Waxa aan taakulayn iyo gurmad u fidin lahaa kumanaanka #macallin ee aan maanta haysan waxay ubadkoodii siiyaan, waan tababari lahaa, wacyi gelintana qayb ayay ka noqon lahaayeen.

7- Waxa aan xoojin lahaa gurmadka danyarta baahida la tiicaysa.

8- Waxa aan daryeeli lahaa shaqaalaha caafimaad noocyadooda kala duwan, anigoo iyaga wax walba ka horeysiinaya, waxa aan ilaalin lahaa bad-qab kooda, dhaqaalahooda iyo noloshooda.

FG: Waa aragtidayda gaaban hadii ay kula qumanaato iyo hadii ay kula guracanto.

Dr ahmed sultan suleiman

Borama,Somaliland

LEAVE A REPLY