Faransiiska iyo QM oo Qabanaya Shir Qaadhaan Loogu Gurayo Beirut

0
940

Beirut (Hargeisa Press)- Qaraxii weynaa ee baabiiyey magaalo madaxda Lubnaan Salaasadii ka dib, ayaa maanta oo Axad ah ay hogaamiyeyaasha dunidu qabanayaan shir ay qaadhaan ugu gurayaan magaalada Bayruut.

Kulankaas oo loo adeegsan doono maqalka iyo muuqaalka internet-ka ayaa waxa qabanqaabiyey Faransiiska iyo Qaramada Midoobay, waxaanu qabsoomi doonaa 2 duhurnimo wakhtiga Lubnaan.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ka qayb geli doono shirkaas.

Saraakiishu waxay ku qiyaaseen in qaraxa ka dhashay bakhaar ay yaalleen 2,000 oo tan oo maadada Ammonium Nitrate uu dhaliyey khasaare dhan 15 bilyan oo dollar.

Qaraxaas waxa ku naf waayey ugu yaraan 158 qof 5,000 oo qofna way ku dhaawacmeen halka 300,000 oo kalena ay ku guryo beeleen.

Sabtidii ayaa dhawr kun oo qof iskugu soo baxeen dariiqyada magaalada oo ay booliska oo u adeegsadaday suntan dadka ka ilmaysiisa ay isku dhaceen mudaharaadayaashuna ay shiid hadhka kaga dhigeen booliska. Waxaanay dadkii mudaharaadayey galeen oo qabsadeen xarumo wasaaradeed.

Ra’isal wasaaraha Lubnaan, Xasan Diyaab, ayaa khudbad uu Telefishanka ka jeediyey ku sheegay in uu dalban doono in dalka laga qabto doorashooyin wakhtigoodii ka soo hor mara si xal loogu helo xiisadda taagan. Arintaas ayaa lagaga wadahadli doonaa shirka golaha wasiirada ee Isniinta dhici doona.

Qaraxa ka hor, Lubnaan waxa marka horeba ka taagnaa dhibaatooyin dhaqaale waxaanu sidoo kale dalku la tacaalayey wax ka qabashada safmarka korona.

Mudaharaaddo dawladda lagaga soo horjeedo ayaa bilaabmay bishii Oktoobar ee kal hore, waxaana sabab u ahaa duruufta maaliyadeed ee dalka ka jirtay iyo hoos u dhaca lacagta dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here