Fanaanka Xasan Aadan Aadan Samatar Iyo Maxamed Cali Kaariye Waa Sharaf Darro In Laga Been Sheego

0
1749

Somalida Oo Beryahan Danbe Aad Loola Yaabay Sida Ay U Isticmaalaan Social Mediaha Oo Ahaa Qaab Aad U Akhlaaq Xun.

Ayaa Imika Waxaa Soo Baxay Qaar Reer Burco La Yidhaa Oo Dhaqan Xumada Ay Mediaha Ka Samaynyaan Noqday Heerkii Ugu Xumaa Ee Abid La Arko,

Halkay Maanta Marayaan Waxaan Odhani Karnaa Way Dhex Fadhiisteen,Ama Way Ku Xaareen Social Mediaha.

Waxyaabaha Aadka Iiga Yaabiyay Ee Aan Arkay Waxaa Ka Mid Ah ,Nin Meelahaa Ka Majaajileen Jiray Oo La Yidhaa Guri Barwaaqo,Oo Markuu Arkay Majaajilooyinkii Oo Ciyaal Badani Xiisaynayaan Oo Suuqoodu Xaami Yahay,Kadib Ku Fekeray Inuu Bucshurada Sii Kordhiyo, Kadibna Soo Fadhiistay Channel,Isagoo Doonaya Inuu Sidii Cabdi Good Faaleeyo Heesha,.

Dadkan Social Mediaha Soo Fadhiistaana Waxay Ku Jab Dhigeen Kama Fekerayaan Waxa Ay Ka Hadalyaan Inay Daawanayaan Dad Uga Aqoon Badan Ugana Waayo Aragsan,

Oo Ay Ceeb Iyo Fadeexadi Ka Raacayso Hadii Aanu Si Fiican U Hubin Waxaas Uu Ka Hadlayo
Waxaan Aad Ugu Qoslay Marna La Yaabay Barmaamishkiisii Ugu Horeeyay Kan Guri Barwaaqo La Yidhaa ,,Waxa Uu Kusoo Qaatay Hees Uu Qaado Xasan Aadan Samatar Ereyadan Uu Sameeyay Maxamed Cali Kaariye ..

Heestaasi Oo Jacayl Ku Saabsanayd Abwaankuna U Sameeyay Shan Karoon Oo Uu Jeclaa Abwaanku…

Si Hadaba Bilaa Qajilaad Ah Isagoo Uga Faaloonaya Ninkan Coomiiga Ah Ee Guri Barwaaqo Waxa Uu Ku Macnaynayaa Oo Uu Dadka Lasoo Hor Istaagayaa

Sheeko Maqaaxayaha Baadiyaha La Iskaga Sheekeeysan Jiray Oo Sheegaysay In Xasan Aadan Heestan Lagu Caayayo Oo Abwaanku kU Sarbeebayo fanaankani…

Runtii Waa Badownimadii Ugu Liidatay Ee Midiaha Lala Soo Fadhiisto.Ee Aan Arko Weligeey..

Wuxuu Sheegayaa Inuu Abwaanku Xasan Aadan Ku Leeyahay Ma Gaadhi Kartid Axmed Mooge Maxamed Axmed Iyo Maxamed Mooge,,Cajiib

Waxaanu Se Yarkan Majaajileeyaa Ogayn In Abwaan Maxamed Cali Kaariye Maxamed Mooge Axmed Mooge Iyo Kuwo Kaleba Ka Jeclaa Xasan Aadan Samatar Heesaha Ugu Badan Ee Uu Sameeyayna Isaga U Dhiibi Jiray…

* Kuwa Loogu Magac Daray.

*Adoo dhoofay caashaqa dhul shisheeye kaa helay.
* Hadhow Bay Odhan Lama Heesin Laylama Hadlin
* Lug Baan Faras Ku Daba Luudayaa Leexaa I Qarise…
Iyo Kuwo.Kaleeto Oo Badan.

Hadal Iyo Dhamaan. Hadaad Maqasheen Mediaha Magac Baa Laga Helaa..

Fadeexad Iyo Sharaf Dhac Aan Laga Soo Waaqsana Waa Laga Qaadaa Ogaada.

Fanaaniintii hore ee soomaliduna walaalo is jecel bay ahaayeen lakin may ahayn dad is khiyaama oo sida dibjirka u nool .fadlan faalana ha ka bixinin hadaanad aqoon u lahayn.

Waxaana adeer ceeb ah inaad la shir timaadaan sheeko aadan hubin oo ka maqasheen meelahaa

Cabdi Sh.Xasan Axmed (Dhako)

LEAVE A REPLY