Fanaanka Qamar Suugaani oo La Soo Taagay Maxkamad

0
3145

Berbera (Hargeisa Press) – Waxaa maanta maxkamadda maxkamada gobolka Saaxil ka soo muuqday fanaanka caanka ah ee Qamar Suugaani oo dhowaan lagu xidhay halkaasi.

Fanaanka oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa 26-kii bishan lagu qabtay magaalada Berbera, iyada oo ay xabsiga dhigeen ciidamada Booliiska Somaliland.

Maxkamaddu ayaa amartay in fanaanka la sii haayo muddo hal todobaad ah, waxaana dib loogu celiyey Qamar Suugaani xabsigii uu ku xidhnaa oo ku yaalla magaalada Berbera.

Sidoo kale, xeer ilaaliyaha maxkamadda gobolka Saaxil ayaa warbaahinta u sheegay in fanaanka loo heysto arrimo la xidhiidha safarkii uu ku yimid magaalada Muqdisho.

Xadhiga fanaankan ayaa waxaa aad u cambaareeyey qaar ka mid ah fanaaniinta Somaliland iyo ehelladiisa.

Xukuumadda Somaliland ayaa inta badan xadhig kula kacda fanaaniinta taga Soomaaliya ee ku qabta bandhig faneedyada ama booqashada u yimaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here