Fanaanka Maxamed BK oo Bristol Ku Noolaynaya Dhaqanka Soomaalida

0
825

Bristol (Hargeisa Press)- Fannaanka caanka ah ee Maxamed BK oo caalamka si weyn looga yaqaanno ayaa muusiga u adeegsanaya inuu dhalinyarada Soomaalida ah ee qurbaha jooga ku xidho dhaqankooda astaanta ah.

Maxamed BK, oo ay ujeeddadiisu tahay inuu Soomaalida ku nool magaalada Bristol ee dalka UK ku nooleeyo dhaxalkooda, ayaa la xaqiijiyay inuu ka qeyb gali doono munaasabadda wiiga dabaaldagga dhaqanka Soomaalida ee sanadka 2020-ka.

Waxaa fannaankan lagu qeexay inuu yahay “kan kaliya ee sida tooska ah ula hadla dhalinyarada, arrintaasoo noqotay astaan isaga u gaar ah”.

Munaasabadda sannadlaha ah ayaa waxyaabaha lagu soo bandhigi doono waxaa ka mid ah muusigga, buugaag iyo dhacdooyin taariikhi ah.

Maxamed BK, oo magaalada Bristol gaadhay 16-kii bishan November ayaa waxaa soo dhaweeyay dad ay tiradoodu gaadheyso in ka badan 300 oo qof.

Heesihiisa caanka ah waxa ay soo jiiteen malaayiin qof oo daawaday.

Qaar ka mid ah bulshada ku nool UK ayaa sheegay in BK uu hadda qeyb weyn ka qaadan doono munaasabadda sannadlaha ah.

Dhalinyarada aan ku hadlin Afsoomaaliga ayey sheegeen inay dhammaantood heesihiisa u xafideen eray eray, arrintaasna lagu sheegay mid ayna waligeed hore fannaaniinta kale u sameynin.

Wuxuu waddankaas booqasho ku tagay marar badan, isagoo doonayay “inuu soo nooleeyo dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida”.

Maxamed BK wuxuu sidoo kale dhalinyarada ku nool UK ku dhiirrigaliyaa inay ku dadaalaan waxbarashada, maadaama taasi ay tahay waxa waalidiintooda ku kallifay inay usoo qaxaan qurbaha.

 

Hargeisa Press Desk/ London Office.

LEAVE A REPLY