Fanaanka Cawaale Aadan Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Hargaysa

0
1306

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Fanaanka caanka ah ee reer Jabuuti Cawaale Aadan, ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Hargaysa ee caasimadda Somalialnd oo uu soo gaadhay gelinkii danbe.

Soo dhawaynta fanaan Cawaale Aadan, waxaa ka qayb qaatay danjiraha dawladda Jabuuti u fadhiya Hargaysa, fanaaniin iyo abwaaniin ka tirsan kooxda Xidigaha Geeska, fanaaniin hore, dhalinyaro iyo haween tiro badan.

Sidoo kale waxaa soo dhawaynta fanaanka ka qayb qaatay xubno ka tirsan jaaliyadda reer Jabuuti ee ku nool magaaladda Hargaysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland. Iyadoo safarkiisa ay ku wehelinayaan xubno fanaaniin iyo muusigaysteyaal ah.

 

Al fanaan Cawaale Aadan, ayaa si kal iyo laab ah ugaga mahad celiyay cid kastoo ka qayb qaadatay soo dhawayntiisa, waxaanu tilmaamay in uu in muddo ahba ku taamayay sidii uu Hargaysa u iman lahaa.

Wuxuu sheegay in magaaladda Hargaysa ay abaal weyn ku leedahay fankiisa iyo guud ahaanba fanka Soomaalida, isla markaana aanay ahayn markii u horaysay ee safar ku yimaado.

Halkan Ka Daawo Soo Dhawaynta Fanaan Cawaale iyo Hadaladii Laga Jeediyay:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here