Fanaanada Khadra SINIMO Oo Shaacishay Inay Gebi Ka Baxday Kooxda XIDIGAHA GEES-ka, Eedeyna U Jeedisay Xasan-Dhuxul Iyo FURINLE

0
2265
Khadra SINIMO

“Xasan Saleeban Dhuxul iyo Axmed Weli Furinle Waxay ku kaceen cadaalad darada iyo kala qaybinta qabyaalada iyo naxliga, waxaanay cuna-qabateeyeen fankaygii” Khadra SINIMO

Hargeysa, (HargeisaPress) – Fanaanada Caanka ah ee Khadra Cabdi SINIMO ayaa maanta shaacisay inay gebi ahaanba ka baxday Kooxda Fanaaniinta Xidigaha GEES-ka, iyada oo ku sababaysay in yihiin koox cunsiriyiina.

Sidaa waxay ku sheegtay Fanaanad Khadra SINIMO mar maanta la soo xidhiidhay Shabakada Wararka ee Hayaannews.

Waxaanay tidhi  “Marka hore waaan idin salaamay dhamaaan taageerayashada meel kastoo ay dunida ka joogaaan waxaaan idin ogaysiinayaa ama idin sheegaya anigoo ah khadra cabdi silimo ah oo ka dirsanaaa kooxda xidigaha geeska inaan go’aansaday inaan ka baxay laga bilaabo maanta oo dibna uga mid noqon doonin .

Hadaba aaan idin fahansiyo sababta aaannuga baxay waxay noqdeen koox cunsuriyiin ah oo ku salaysan gurubaysi marka laga reebo laba shaqsi oo kala ah fanaanka cabdiraxmaan oday la dhaho iyo fananada xamda queen markaaan intaa ka gudbo kooxdu waxay kala yihiin maamul iyo xubno dhibatada igu wayn een u adkaysan waayay waxa kow ka ah maamulkeeda oo ah mid aad u liita kuna shaqaystaan laba nin waana kuwa kooxda kala qaybinteeda iyo kala fogaynteeda sababta u ah sidaas darteed waxaaan go.aansaday in aanan u adkaysan intaa in ka badan kooxdana labada nin een uga baxay gaar ahaan waa

Xasan Saleeban Dhuxul iyo Axmed Weli Furinle cadaalad darada iyo kala qaybinta qabyaalada naxliga taas ooy aniga intaaba igu sameeyeen xataa fankaygii cuna qabatayn igula kaceen

hadaba anigu waxaan ahay fanaanad isku kalsoon waliba aan ahay aasasayaashii lahaa sababta magaca kooxda

Hadal iyo dhammaan waxaan bahda fanka iyo bulsha weynta Soomaliyeed waxaan u sheegayaa in aan sababAhaa hore aan ugaga baxay laga bilaaabo maanta dhamaantiina waad mahadsanihiin”

Mustafe-Janaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here