Fanaan Cabdi Tahliil Warsame oo Lagu Aasay Muqdisho

0
1383

Aaska Cabdi Tahliil Warsame ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, maareeyaha golaha murtida iyo madadaalada qaranka, abwaano, fanaaniin iyo ehello.

Allah ha unaxariistee waxa uu waxbarshada dugsiga sare ku qaatay oo uu ku bar baaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan hase ahaatee markii dambe waxa uu usoo wareegay magaalada Muqdisho oo uu degenaa ilaa maanta.

Waxaa uu ka tagay caruurta iyo waxa ay sii dhaleen 42 qof.

Sidoo kale fanaan kaliya ma ahayn ee waxaa soo noqday xisaabiyaha gobolka Bari, waxaa uuna kasoo shaqeeyay deegaanada Qandalo, Qardho iyo magaalada Ganacsiga ee Boosaaso.

Allaha ha unaxariistee guud ahaan fanaaniinta Soomaalidu meel walbo oo ay joogaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid, waxaana ay alle uga baryeen inuu janadii fardowso ka waraabiyo samir iyo iimaane uu ka siiyo dhammaan qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

LEAVE A REPLY