Fanaan Cabdi Tahliil Warsame oo Geeriyooday

0
1960

Muqdisho (Hargeisa Press)- Alle ha u naxariistee fanaankii weynaa ee Soomaaliyeed Cabdi Tahliil Warsame ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib muddo uu ku xanuunsanaa.

Geerida Cabdi Tahliil Warsame ayaa waxaa xaqiijisay wasaaradda warfaafina Soomaaliya.

Xaaladda caafimaad ee fannaan Cabdi Tahliil ayaa sii xumaanaysay waayadan danbe, mana jirin daryeel dhammeystiran oo uu helay.

Cabdi Tahliil Warsame wuxuu safka hore kaga jiray fannaaniinta qiimaha mugga weyn ku dhex leh fanka Soomaalida, heesihii uu ku luuqeeyey waxay kaalmaha ugu sarreeya kaga jiraan dhageysiga keydka suugaanta ee ay isticmaalaan bulshada Soomaalidu.

Cabdi Tahliil Warsame, wuxuu ku dhashay deegaanka Wardheer ee dowlad deegaanka Soomaalida sannadkii 1952-kii.

Sannadkii 1968-kii fannaanku wuxuu ku luuqeeyey heestiisii labaad ee Onkod, taasoo aad u caan baxday. Heestan oo ilaa maanta kaalmaha hore kaga jirta dookha dadweynaha waxaa u dhiibay Abwaan Axmed Saleebaan Bide.

Sannadkii 1971-kii wuxuu ka qeyb galay tartankii heesaha hirgalay waxaana ku weheliyay fannaaniin ay ka mid ahaayeen, Cabdilaahi Cumar Xarago, Cabdi Xasan Dige, Cumar Nuur Cabdule iyo Xasan Aadan Samatar.

Fannaaniintan dhamaantood waxay ku biireen xidigihii kooxdii Hobalada Waabari.

Kooxihii kale ee uu Cabdi Tahliil la soo shaqeeyey waxaa ka mid ahaa Kooxdii Danan oo uu kamid noqday hogaankii sare ee kooxdaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here