Fallaaagada Tigray oo Qabsatay Magaalo Taariikhi Ah

0
1348

Mekelle (Hargeisa Press) – Fallaagada ka dagaalanta gobolka Tigray ee waqooyiga waddanka Itoobiya, ayaa waxa ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Lalibela, halkaas oo ah magaalo ay Unecso u aqoonsan tahay inay ku yaallaan goobo taariikhi ah oo caalami ah, kuna taal gobolka la dariska ah Amxaarada.

Lalibela, ayaa waxaa ku yaal kaniisado qarnigii 13-aad laga dhisay buuro la qoray, halkaas oo ah meel barakaysan oo ay leeyihiin malaayiin kirishtaan ah.

Dadka magaaladaas ku nool, ayaa ka qaxayay ruqaansiga fallaagada, waxaa sida ay sheegeen saraakiil maxalli ah.

Kumannaan qof, ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalku qarxay Nofeembartii la soo dhaafay.

Dagaalka, ayaa haatan ku fidaya gobollada Amxaarada iyo Canfarta oo xad la leh gobolka Tigray.

Malaayiin qof, ayaa waxaa ay sidoo kale ka barakacay guryahoodii.

Ciidammada fallaagada Tigray iyo milateriga Itoobiya iyo xulafadiisa, ayaa waxaa lagu eedeeyay inay galeen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo dambiyo dagaalba.

Maayir ku xigeenka magaalada Lalibela, Mandefro Tadesse, ayaa sheegay in magaalada ay gacan ku haynteeda la wareegeen fallaagada Tigray.

Waxa uu sheegay in aanay wax rasaas ah halkaas ka dhicin, hasayeeshee dadka magaaladu ay halkaas isaga baxsanayeen, uuna ka walaacsan yahay badqabka kaniisadaha taariikhiga ah.

Waxaa halkaas ku yaal 11 kaniisadood oo laga sameeyay buuro la qoray kuwaas oo la dhisay intii u dhaxaysay qarnigii 12-aad iyo midkii 13-aad.

Waxaa loo dhisay inay badel u noqdaan xajka loo tago Dhulka Barakaysan, dhulkaas oo waagaas ahaa mid aan la gaadhi karayn.

“Halkani waa dhaxal caalami ah, waxaana qasab ah inaan ka shaqayno inaan xaqiijinno in hantidaasi aan dhawro,” ayuu yidhi Mr Mandefro.

LEAVE A REPLY