Falanqayn: Maxa keenay in jabhadii Cawaale ka tanaasusho go’aankeedii hore ??

0
948

Afar arrimood  ayaa sabab u ah in jabhadii dhowaan lagu dhowaaqay  la soo afjaro:

  1. Gobolka Awdal waxaa gobolkii aqoonta iyo ilbaxnimadda Somalidda, waxaana lagu yaqaanay inay qalinka woxooga ku dhacsadan balse qorigu agtoodda ceebuu ka yahay, taasi waxay magaalada BOorama ka dhigtay in soomaali oo dhan degto,maadama oo magaalo nabad iyo aqooni taallo tahay,taasi waxay BOorama ka dhigtay inay noqoto magaalada ugu korinka badan uguna dhaqaale badan marka loo eego magaalooyinka dhigeedda ah, waxaana dhaqaalahaasi soo galiyey dadka aan u dhalan gobolka ee degan, markasta oo magaalo dad kala duwan deganaa waxay noqota magaalo horumarsan oo lagu soo hirto, si aanay magaalada looga qaxin waa sababta kowaad jabhadda loo soo afjaray.
  2. Ardayda jaamacada Camuud dhigata waxay ka soo jeedaan dhamaan gobolada Soomaalidda, dhowaaqii jabhadda ee Ajanabigu ha ka baxaan waxay ku abuurtay qoysaskoodii warwar, taasina waxay damaqday waxgaradkii magaalada iyo maamulkii jaamacadda, ardayda aan gobolka u dhallan waxay soo galiyaan magaalada lacag badan, guryey ka kiraystaan, hoteelay cuntqda ka cunaan, sanad kasta intaas oo qoysaskooda ah ayaa soo booqda oo dhaqaale soo galiya, maalinta qalinjaninta qof waliba waxa u yimaada shan qof oo qoyskiisa ah, kuwaas oo magaalada lacag soo galiya, hadii ardaydaasi ka baxaan waxa hoos u dhacaya dhaqaalihii magaaladda, waxa hoos u dhacaya sumcadii iyo dalxiiskii fasaxyada loo iman jirey, taasina waxay sabab u tahay in aan jabhad iyo rabash laga ogolaan gobolka Awdal jaamacadii Camuud aan la xidhin maadama oo dekad yar u tahay gobolka.
  3. Jabhadani looma wada dhamayn, waxaana watay deegaanada uu ka soo jeeddo wasiirka Ganacsiga Saajin, wasiir Saajinta iyo xaafadooduna  waxay isku diyaarinayan inay doorka dambe musharaxa madaxweyne ku xigeenka ka noqdaan xisbiga KULMIYE, maadaama labada xil ee ugu sareeya ugu dambasay wakhtigii Daahir Rayaale, maadaama oo ay kursiga sare ku socdaan inay woxooga siyaasad ku raadsadaan mooyee marna ma rabaan in cid kale ka xidhiidhido kursigaasi, sidaas darteed wasiir Saajin oo mudadii hawshu socotay geed dheer Iyo mid gaabanba u fuulay inuu damiyo dhowaaqaas kursigiisa luminaya hadda wuu ku guulaystay, waxaanay isku diyaarinayan in kursigaasi sare oo muddo 17 sanno ka maqnaayeen inay dib usoo ceshadaan oo aan laga ciideen.
  4. Waxa iyadana istaagaysay horumarkii gobolka ka socday, waxaana dhowaan loo samaynayey wadadda dheer ee Jabuuti iyo Itoobiya isku xidhayey taas oo ah mashruuca ugu weyn ee ay waligoodba sugayeen reer Awdal, hadii rabshado yimaadaana waxa istaagaysay hamigii ahaa in gobolku isku filnaado iyo inuu gobolku illo dhaqaale kale raadsado, jabhaduna waxay meesha ka saaraysa dhaqaalaha usoo kordhaayey gobolka. 

Afartaasi  arimood ayaa sabab u ah in muddo gaaban lagu soo afjaro jabhadii si gobolka iyo xaafadda ay ka soo jeedaanba jabhaduba magac xumo uga raacin, waxaana hawshaasi dhameeyey waxgaradkii xaafadda oo iskugu jira kuwii masuuliyiintii xilalka ka hayey, madax dhaqameedkii iyo aqoonyahankii kale, kuwaas oo u arkayey sumcad daro xaafadoodda gooni u ah iyo siyaasad lagu waxyeelayey horumarkii dhaqan dhaqaale ee gobolka ka socday.

Barkhad-ladiif M. Cumar

LEAVE A REPLY