Fadeexad Weyn: Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Been Sheegay Wakhtigii Dhalashadiisa Iyo Goobta Dhalashadiisa

0
896

Hargeisa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa mar uu maanta qaadanayay Kaadhka dhalashada waxa uu ka been sheegay wakhtigii dhalashadiisa iyo goobtii uu ku dhashay.​

Madaxweyne Siilaanyo ayaa si cad uga been sheegay Da’diisa iyo Waliba goobta uu ku dhashay, Madaxweyne Siilaanyo ayaa wuxuu sheegtay laba wakhti iyo laba goobood oo kala duwan markii uu Qaatay kaadhka dhalashada sanadkii 2010 iyo kan uu maanta qaatay ee 2014.

Madaxweyne Siilaanyo markii uu Kaadhka qaadanayay sanadkii 2010
Madaxweyne Siilaanyo  2010

Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu markii uu Kaadhka qaadanayay sanadkii 2010 uu qortay inuu ku dhashay Meesha la yidhaahdo YELAY, sanadkii 1936, Halka uu maanta uu sheegtay inuu ku dhashay Magaalada Burco sanadkii 1942.

Madaxweyne Siilaanyo markii uu Kaadhka qaadanayay shalay
Madaxweyne Siilaanyo 2014

Arintan ayaa ceeb weyn iyo fadeexad ku ah Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Taas oo bulshada Somaliland isweydiinayso Beenta intaa leeg ee uu Madaxweynihii Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku sheegay iyo sida loo aamini karo maadaama uu dhalashadiisii sidaasi uga been sheegay.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY