Faa’iidooyinka caanaha geela oo ay dunida imika ku baraarugtay

0
906

Isticmaalka caanaha Geela ayaa maalman aad ugu soo batay dunida. Dalka Australia ayaa ka mid ah dalalka aadka looga isticmalo oo waxaa haatan ka jira shirkada dhawr ah oo dunida ku baarujinaya muhimadda ay leeyihiin caanaha geela.

Soo saaridda caanaha geela ayaa haatan noqtay mid ka mid ah wax soo saarka dalka Australia iyadoo ay baahidooda dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba ay sare u sii kacayso.

Si kastaba haweeneey lagu magacaabo Lauren Brisbane oo ka mid ah dadka caanaha geela ka sameeya wax yaabaha la isku qurxiyo ayaa sheegeeysa in dadka aad u soo jeeteen oo ay jeclaadeen wax soo saarkooda ay ka sameeyeen caanaha geela.

”Waxa aanu dareenaa farxad iyo in aan meel sare joogno marka aan wax soo saarka caanaha geela oo caafimaadka badan leh isticmaalayo. Waxaanu geela u aragnaa in uu ka mid yahay qoyskeena”,ayay tiri Lauren.

”Waa sida dadka oo kale, oo waxay leeyihiin dabeecada kala duwan,aad bay u aqli badan yihiin, naxariista iyo jaceylka ayay wax ka yaqaanaan,Waad la fariisan kartaa oo xaaladda jirta kala sheekaysan karataa, wayna fahmayaan”.

”Waa xayawaan aad u weyn balse haddii aad xushmeyso caqligooda iyo naxariistooda waa ay fududahay in la dhaqdo”.

Shirkadaha sare u sii kacaya ee dalka Australia ayaa waxa isticmaalaan maraakiibta waaweyn ee dalka si ay u dhoofiyaan wax soo saarkooda geela. Geela ayaa markii ugu horreeysay dalka Australia la keenay sannadkii 1940-meeyadii.

Waxaa haatan la aaminsan yahay in Australia ay haatan ku sugan yihiin in kabadan 1.2 milyan oo ah geela duur joogta ah kuwaasi oo u badan geela carabta laga dhaqdo.

Shirkaddii ugu horreysay ee wax soo saarka geela ayaa waxaa Australia laga bilaabay sannadkii 2014-kii, markaa wixii ka dambeyayna waxaa soo batay shirkadahaasi oo haatan waxay ka hawl galaan gobolk kasta oo ka mid ah Australia.

Wax soo saarka caanaha geela ee dunida waxaa aad ugu badan waddamada ku yaal waqooyiga iyo bariga Afrika iyo bariga dhexe. waxaa sidaasi lagu sheegay cilmi baaris ay sameeysay Australia.

Sannadkii 2016-kii Australia waxay soo saartay 50,000 oo liitar oo caana ah halka haatan 180,000 oo liitar ay sannadkasta Australia soo saarto.

Waxaa sare u kaca ku yimi isticmaalka caanaha geela gacan weyn ka gaystay Megan Williams iyo seeygeeda kuwaasi oo dhammaadkii sannadkii 2014-kii waqooyiga Victoria ka bilaabay in geela ay caanaha ka lisaan kuwaasi oo ka bilaabay 3 neef oo kamid ahaa geela duur joogta ah.

Shan sanadood ka dib waxay ganacsigooda ayaa ballaaratay, iyagoo haatanna haysta geel kor u dhaafaya 300 kuwaasi oo ay 60 ka mid ah irmaan yihiin.

Shirkaddan ayaa waxay maalintii soo saartaa ilaa 360 liitar oo caana ah kuwaasi oo boqolkiiba 25 u dira macaamishooda Singapore.

Waxayna haatan doonayaan in ay ku fidaan oo ay wax soo saarkooda gaarsiiyaan dalalka Thailand iyo Malaysia. Waxaa sidoo kale liiska ugu jira Shiinaha iyo Mareykanka.

Inkastoo caanaha geela aad loo isticmaalo haddana qiimahoodu waa uu saareeyaa oo caanaha lo’da waxay ka qaalisan-yihiin 12 jeer.

BBC

LEAVE A REPLY