Faahfaahin:Dabley Xalay Weerar Ku Qaaday Saldhiga Booliska Ceerigaabo

0
549

Ceerigaabo (HP): Dabley hubaysan oo aan haybteedda la aqoonsan ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday saldhiga booliska magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Weerarkaasi ayaa la sheegay in aanay wax khasaare ahi ka dhalan, sida uu sheegay taliyaha qaybta ciidamadda booliska ee gobolka Togdheer gaashaanla sare C/rasaaq Maxamed Faarax, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Ceerigaabo.

Taliyuhu waxa uu sheegay in weerarkaasi oo dhacay koowdii habeenimo ee xalay ay rasaas isku waydaarsadeen ciidamadda booliska ee saldhiga joogay iyo dableyda weerarka soo qaaday.

Waxaanu yidhi, “Abaaro koowdii iyo rubuc ee saq badhkii habeen nimo ee xalay, ayay dabley hubaysani rasaas ku soo rideen saldhiga dhexe ee booliska degmadda Ceerigaabo.

Ka hor dhici mayno oo baadhis baa socota, ilaa la xaqiijiyo oo baadhistu ay dhamaato, cid kuma sheegi karno. Laakiin, waxaan xaqiijinaynaa  in ay ahaayeen dabley hubaysan. Raadkoodii iyagii meelahay galeen baadhis sugan baanu ku samaynaynaa, kana hor dhici mayno baadhista”.

Taliyuhu waxa kaloo uu xusay in kooxda dablayda ahayd ay isticmaalayeen qoryaha fudud, inkastoo hal xabo oo Seben ah ay mar ku soo rideen saldhiga, isla markaana ay ciidamadu weerarkaasi iska difaaceen.

“Hal xaboo Seben ahbaa dhacday. Laakiin, wax kale Qoryaha AK iyo Faal ayay ahaayeen.  Ciidanku way diyaarsanaayeen, way difaaceen oo rasaas ayay ku rideen.

Dhinacnaba wax khasaare ahi ma gaadhin. Cidna lagama qaban, way yaaceen. Waxaan cadaynayaa in aan wax khasaare ahi dhicin haba yaraatee”ayuu yidhi taliyaha qaybta booliska Sanaag.

Dhinaca kale taliyaha ayaa ugu baaqay bulshadda reer Sanaag in ay ciidamadda booliska gacan ka siiyaan sidii loo soo qaban lahaa dableyda weerarka gaystay.

Waxaanu yidhi, “Shacabka reer Sanaag-na waxaan leenahay, waa in ay booliska gacan siiyaan, oo aanay danbiilaha qarsan. Wada shaqayn wanaagsan ayaan ka rejaynaynaa”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here