Faah-faahinta Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
1068

Muqdisho (Hargeisa Press)- Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax miino oo maanta Muqdisho lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda federaalka Soomaaliya.

Qaraxa oo ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasi Salaad Xasan ayaa waxaa lala helay gaadhi ay la socdeen ciidan Boolis ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhintay ugu yaraan illaa labo askari, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 5 qof oo kale oo isugu jira askar iyo dad shacab ah.

Sidoo kale, waxaa burbur xoogan uu soo gaadhay baabuurka la qarxiyey oo ay ku buufisan tahay astaanta ciidamada Booliska Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi, balse xaaladda ayaa haatan ah mid degan.

LEAVE A REPLY