EX. Xildhibaan C/qaadir Xaamud Oo Ka Hadlay Ficillo Guracan Oo Shalay Kula Kacay Xoghayaha G.Wakiiladu

0
885

Hargeysa (Hargeisa Press)- EX. Xildhibaan C/qaadir Xaamud, oo ka mid ahaa mudaneyaashii hore ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa eedaymo u jeediyay xoghayaha golahaasi C/rasaaq Ayaanle.

Waxaanu sheegay C/qaadir Xaamud, isaga iyo xubno kale oo ka tirsan golihii hore in laga hor istaagay in ay ka qayb galaan fadhigii shalay.

Taasoo uu sababteedda ku eedeeyay inuu ka danbeeyay xoghayaha golahaasi, kaasoo si weyn loogu dhaliilayay ficilo uu shalay kula kacay xildhibaanadii hore xubnaha mucaaradka.

EX. Xildhibaan Xaamud, oo maanta magaaladda Hargaysa warfidiyeenka kula hadlay ayaa falkaasi ku tilmaamay mid anshax darro ah oo uu sameeyay xpghaye Ayaanle.

Geesta kale C/qaadir Xaamud, waxa uu sheegay in xoghayaha golaha Wakiiladda Somaliland loo magacaabo masuul ka soo jeedda Sanaag Barri, maadaama oo beelaha degaankaasi ay ka maqan yihiin golaha Wakiiladda ee cusub.

Sidaas darteedna iyadoo lagu duulayo isku dheeli tirka xilalka muhiimka ah ee dawladda iyo beelaha dalka wada dega in ay lagama maarmaan tahay in xoghayaha golaha Wakiiladda loo magacaabo masuul Sanaag Barri ka soo jeedda.

DAAWO: EX. XILDHIBAAN XAAMUD OO ARRIMAHAASI KA HADLAYA:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office

LEAVE A REPLY