Ex: Wasiir Shucayb oo Si Adag Uga Horyimid Xeerka Golaha Wakiiladu Ansixiyay

0
956

Hargeisa (HargeisaPress)- Wasiirkii hore ee Wasaarada Warshadaha Somaliland ee Xukuumadii Siilaanyo Shucayb Maxamed Muuse oo kamida ka soo jeeda gobolka Gabiley ayaa si adag uga horyimid xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka oo maalintii shalay ay ansixiyeen golaha Wakiiladu.

Ex: Wasiir Shucayb ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in gabi ahaanba laga tago degmada Tog-wajaale oo kamida degmooyinka ugu dhaqaalaha badan dalka islamarkaana aanu goluhuna meelna ku xusin.

Shucayb ayaa golaha Guurtida Somaliland ugu baaqay dib loo soo celiyo xeerkaasi islamarkaana ay gudi u kala diraan dalka si ay u soo qiimeeyaan degmooyinka u qalma demonimo.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here