Berbera (Hargeisa Press)- Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Hurre Xaariye, ayaa kulan ballaadhan la qaatay wefti ka socday Hay’adda Tayaynta Badda ee Midowga Yurub ee EUCAP oo booqasho ku yimi dalka.
Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo Weftiga ka socday Hay’adda Tayaynta Badda ee Midowga Yurub ee EUCAP, ayaa ka wadahadlay xoojinta iskaashiga dhinaca amniga iyo kobcinta tayada badda.
Kulankan, ayaa hoosta ka xarriiqay iskaashiga ka dhexeeya Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo EUCAP ee ilaalinta biyaha Somaliland iyo wax ka qabashada khataraha dhinaca badda ee gobolka.
Weftiga EUCAP waxa hoggaaminayey Madaxa Hawlgalada iyo Tababarada Midawga Yurub Kestutis Lancinskas, waxaana ka mid ahaa Dania Cossa oo ah madaxa hawlgalinta iyo Mr. Poul oo ah madaxa hawlgalada Hargeysa oo ay weheliyaan la taliyeyaal sare oo dhinaca badda iyo xeebaha ah.
Wada-hadalladan, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqaynta labada dhinac ee la dagaalanka kalluumaysiga sharci darrada ah, budhcad-badeedda, ka ganacsiga hubka, iyo dhaqdhaqaaqyada xag-jirnimada.
Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Hurre Hariye, ayaa soo dhaweeyey weftiga, waxaanu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay EUCAP u leedahay inay gacan ka geysato sidii kor loogu qaadi lahaa awoodaha shaqo ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland. Meelaha muhiimka ah ee iskaashiga waxaa ka mid ah tababarro sare oo xirfadaha badda, horumarinta kaabayaasha isgaadhsiinta iyo bixinta qalabka lagama maarmaanka ah si loo xoojiyo waxtarka Ilaalada Xeebaha.
Masuuliyiinta EUCAP, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin kulankaasi midho dhalka ahaa, waxa ayna sidoo kale cadeeyeen in ay ka go’an tahay in ay Somaliland ka taageeraan dadaalada lagu sugayo amniga badaha.
Weftiga, ayaa waxa ay soo kormeereen xarunta cusub ee isgaadhsiinta ee laga hirgeliyey saldhiga weyn ee ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ee Berbera. Xaruntan casriga ah, oo ay samaysay EUCAP, waa tan ugu weyn ee nooceeda ah ee gobolka bari iyo badhtamaha Afrika waxana ay diyaar u tahay in ay si weyn kor ugu qaado awooda hawl-galka ee Ilaalada Xeebaha.
Wefdiga, ayaa waxaa ay sidoo kale ay kormeereen qeybaha ay ka kooban tahay xarunta iyo qalabeynta, oo lagu wado in si rasmi ah loo daah furo mustaqbalka dhow.
Kulanka iyo booqashadiisa waxay hoosta ka xarriiqeen wada shaqaynta xooggan ee ka dhaxaysa Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo EUCAP, iyagoo iftiimiyey hadafka ay wadaagaan ee ah xaqiijinta amniga badda, xasilloonida, iyo horumarka waara ee gobolka.