EU Oo Taageeraya Saxaafadda iyo Dimoqraadiyadda Somaliland

0
943

Hargaysa (Hargeisa Press): Kulan ku saabsan horumarinta saxaafadda Somaliland iyo dimoqraadiyadda ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa.


Kulankaasi oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin ka socday easaaradda warfaafinta Simaliland, Ururka SOLJA iyo Wakiilada Wadamada Midawga Yurub(EU).

Kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Finland, Sweden, UK, Denmark, Netherland iyo Germany ayaa ka qabsoomay hudheelja Ambassador ee magaalada Hargeisa.


Kulankaasi ayay u jeeddadiisu ahayd sidii la iskaga kaashan lahaa horumarinta warbaahinta iyo dimoqraadiyada Somaliland.


Waxaana kulankaasi si rasmiya khadka telefoonka ugu furay wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, oo ku sugan magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool oo uu hawlo shaqo u joogo.


Wasiirku waxa uu si faahfaahsan uga hadlay xaaladda guud ee warbaahinta iyo dadaaladda ay xukuumaddu ugu jirto in ay kobciso aqoonta iyo xirfadda suxufiyiinta.
Halka ay marayso curinta Siyaasadda iyo Xeerka Saxaafada Somaliland.


Sidoo kale waxaa kulankaasi ka hadlay agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee wasaaradda warfaafinta Cabdiqaadir Dayib Askar, oo farsamo ahaan sharaxaad ka bixiyay geeddi-socodka Curinta Siyaasadda iyo mashaariicda warbaahinta la xidhiidh.
Geesta kale masuuliyiinta ururadda SOLJA, WIJA iyo FIMO ayaa dhankooda ka hadlay caqabadaha haysta warbaahinta Somaliland iyo doorkooda ka qayb qaadashada wacyigelinta doorashooyinka Somaliland.


Dhinaca kale xubmihii diblomaasiyiinta ahaa ee ka socday wamadda midawga Yurub waxay ballan qaadeen in ay taageero mug leh ka gaysan doonaan warbaahinta iyo doorashooyinka Somaliland.


Gebagebadii kulankaasi ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan iyo is af-garad.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY