ETHOPIA ma u bahaan tahay somaliland?

0
1603

 

ETHOPIA ma u bahaan tahay somaliland?

Siyaasada cusub ee dawlada eithopia kuna wajahan dawlada somaliland .
Is bedel ka cusub ee dhawaan ka dhacay wadan ka aynu jaar ka nahay ee eithopia si deg deg ah ayuu ku bilaabay inuu is bedelo
siyaasadeed sameeyo, heshiisyada sababay isbedelkaas, waxaa ka mid ah heshiis kii EIthopia iyo eriteria gacana waxay ku lahaayeen heshiis kii ama wada hadalaadii djabouti iyo eriteria,sidoo kale dawladaa EIthopia waxay lagashay heshiis dhinaca dekedaha ah dawlada federal ka ee somalia.

Imikaa waxaa muuqataa dawlada Eithopia ee cusub in wax ka bedel ku samaysay siyaasadii dawladaa jaar ka ay yihiin ee somaliland.
Xidhiidh ka somaliland iyo Eithopia 30 kii sano ee la soo dhaafay wuxuu ahaa xidhiidh degen oo fadhiyaa 30 kaas sano eithopia waxaa soomaray madax kala duwan sidaa
Minister Hailemariam, malez sawabi iyo hailemariam desalegn dhamaan madax daas hore ee wadan ka eithopia soomara siyaasadaa somaliland ay kulaa dhaqmi jireen waxay ahayd siyaasad fadhidaa oo degen is bedel weynaa aan keenin.
Waxan rumays nahay in ay ogaayeen muhiimadaa ay somaliland u leedahay wadanka eithopia arintaas yaa keentay is bedel weyn inuu xiligaas 30 ka sano ah madaxdii hore ee eithopia ku samayn siyaada kala dhaxaysa dawlada somaliland.
Hadda EIthopia ma u baahan tahay somaliland ?
jawaabtu waa haa sababtoo ah dhulkaa somalidu degto meesha xuduudka dhulka ah ee ugu dheer la wadaagto waa somaliland sidaas darteed amaankaa eithopia ( security ga ) EIthopia somaliland arintaas ay ugu bahan tahay.
Dhulka somalidu degto ama wadamada ay eithopia jaar ka la tahay somaliland waa dalka ugu badan ee ay wax usoo dhoofisoo sida Qaadkaa, bunka, khudrada iyo badeecado kale oo badan sidaas awgeed dhaqaale ahaan aad iyo aad bay somaliland muhiim ugu tahay Eithopia.
Dhinacaa is dhex galka bulshadaa shacab aad u balaadhan oo eithopian ah qoomiyad kastaana kasoo jeedaa yaa joogaa somaliland mushtamacaas oo kala duduwan oo ganacsato leh, oo shaqaale caadiya leh, qaxoonti leh dhamaantood mushtamacaasi somaliland waxay ugu nool yihiin si cisi iyo karaamo leh oo wax dhib ah ooga imaan muwaadiniinta il baxa ah ee reer somaliland iyo dawladoodaaba. Tusaale ahaan shirkadaa loo yaqaano ( consultants firms ) ee la shaqeeyaa haayadaha ama dawlada ama ganacsatafa somaliland waa shirkadahaa ugu badan ee dhamaantood hela qandaraas yadaa markaa loo badan yahay marka loo eego shirkadaha kale ee wadamada qaalad ka yimaadaa kuwa eithopia ka soo jeeda yaa ugu badan uguna mudan.
Dawladaa eithopiana dhawaan waa ay garwaaqsan doontaa somaliland in ay muhiim u tahay in ay sii kala fogaadan eithopia iyo somaliland maslaxada ugu badan (interest) ugu badan eithopi kala lumaayo.
Cid kastaa ha noqotoo dawlada jaar ka ah ama beesha calaam ka ee kale ha noqotoo shacabka somaliland midnimo raali aanay ka ahayn cid ku khasbi kartaa ma jirtoo siyaasadu waxay socotaaba waxaa muquunisa kana xoog weynaataa goaan ka shacabkaa. Somalia , eithopia ama wadamada kale ee jaarka ah ama cidkastaba danahaa ay leedahay waxaa ka xoog weyn runtu ku soonoqonaysaa goaan ka shacabkaa.

Osman jama mohamed ( caadle)
Lasoco
Qormada danbe waxaan ku soo qaadanayaa
Somaliland eithopia ma ubaahab tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here