Ethiopia: Koox Ka Socotay Hargeysa Oo Ciyaar Xiiso Badani Ku Dhex Martay Jigjiga+ SAWIRRO

0
1711

HargeisaPress — Ciyaartoy ka socoda Caasimada Hargeysa ee Somaliland ayaa socdaal ku tagtay Magaalda Jigjiga ee dalka Itooobiya kooxdan ayaa habeenkii xalay ah ee sanadka cusub waxay  Ciyaar Xiiso badani dhexmartay Ciyaartoyadii Ardaydii Jaamacada Jigjiga.

Labada Kooxood ee Hargeysa iyo jigjiga ayaa soo bandhigay Ciyaar xiiso badan oo xiisa galisay dadweynihii reer jigjiga ee ka soo qaybgalay ciyaarta.

Ciyaarta oo aad u adkayad ayay labada kooxood wakhtigii ciyaarta loogu tala galay ku soo dhamaatay bar bardhac 0 iyo 0.

Kubadda cagta ee dhalinyarta magaalada Hargeisa ka socotay oo HargeisaPress la xidhiidhay ciyaarta ka dib ayaa noo sheegay in si fiican loogu soo dhaweeyay magaalada jigjiga ee Dalka Itoobiya gar ahaan waxay aad ugu mahad celinayaa Ardaydii Jaamacada Jigjiga.

Kooxda Hargeysa waxa hogaminayay Agaasimaha Telefeshanka HORN CABLE TV Mohamed ilig oo ka mida dhalinyarada ugu firficoon Ciyaartogii hore ee Caasimada Hargeysa.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRO

LEAVE A REPLY