Ergooyin Nabadeed oo Gaadhay Degmada Widhwidh Ee Gobolka Buuhoodle

0
1577

Widh-Widh (Hargeisa Press)- Ergooyin nabadeed oo kala duwan ayaa maalmahanba ku sii qul-qulaya deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool, halkaasoo la dhigay gogosha nabadaynta laba beelood oo  hore shaqaaqo u dhex martay.

Ergooyinkaasi waxaa ugu danbaysay ergo madax dhaqameed ah oo uu hogaaminayo  garaad Jaamac garaad Cali, oo saaka ka kala amba baxay deegaamadda Ceegaag iyo Buuhoodle oo gaadhay deegaanka  Widh-widh.

Waxaana halkaa ku soo dhaweeyay isimadda dhaqanka ee Sool iyo Buuhoodle oo muddooyinkanba ku kala dhex jiray soo af-jaridda shaqaaqooyin soo noq noqday oo dhex maray laba beelood.

Gogosha nabadaynta labadan beelood ayaa la dhigay deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool. Halkaasoo ay ku sugan yihiin madax dhaqameed kala duwan.

LEAVE A REPLY