Erdogan oo ku Guuleystay Doorashadii Madaxweynenimo ee Dalka Turkiga DAAWO SAWIRRO

0
787

TURKEY-VOTEIstanbul, (HargeisaPress) — Ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo loo rajeynayay inuu ku guuleysan doono doorashada madaxweynimo ee maanta dalkaas ka dhacday ayaa helay 52.3% tirade guud ee codadkii ay shacabka dalka Turkigu dhiibteen sida goor-dhow shaaciyeen guddiga doorashooyinka Turkiga.

Arrintan ayaa waxay ka dhigaysaa in Erdogan uu ku guuleystay doorashada, maadaama isaga iyo labada murashaxiinta la tartamaya uu guuleysan doono ruuxii hela 51%, guud ahaan codadka la dhiibto.

Sida lagu daabacay waregyska Today’s Zaman ayaa lagu sheegay inuu helay Ekmeleddin İhsanoğlu 38.95% codadkii la tiriyay, halka uu 9.53% uu helay ninka kale ee tartanka kula jiray Selahattin Demirtaş.

Taageerayaasha xisbiga AK ee uu hoggaamiyo Erdogan oo aad u fara badan ayaa caawa isugu soo baxay magaalooyinka waaweyn ee Turkiga, iyagoo u dabaal-dagaya guusha hordhaca ah ee uu gaaray hoggaamiyahooda.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga oo kumannaan taageerayaashiisa ah kula hadlay magaalada Istanbuul ayaa u mahadceliyay dadkii codka siiyay, wuxuuna ku sheegay hadalkiisa inay u horseedeen guusha uu helay.

“Waxaan sii wadi doonaan howsha ay dalkeyga iyo dadkeynta u hayo, inta aan noolahay. Waxaan sii wadi doonaa barnaamijka dib u dajinta ah, ayuu ballanqaaday Erdogan.

Sidoo kale, Erdogan wuxuu ballanqaaday inuu hirgelin doono riyadiisa ah in dalka Turkiga uu ka dhigo dal cusub, isagoo xusay inuu dhisi doono dowlad awood leh, uuna la dagaalami doono musuq-maasuqa, isagoo xusay inuu baaritaana lagu sameyn doono cid walba oo ku lug yeelata, xitaa haddii ay ka tirsan yihiin qoyskiis.

Madaxweynaha cusub ee Turkiga ayaa xilka hayn doona shanta sano ee soo socota, iyadoo dastuurku uu u ogolaanayo inuu mar kale isku soo sharraxo, iyadoo haddii doorashada soo socota ku guuleysta illaa 2023-ka hayn doono xilka madaxweynenimo ee Turkiga.

Doorashooyinka madaxnimo ayaa billowday 8:00 aroonimo ee xilliga Turkiga, iyadoo ay codkooda dhiibteen 53 milyan oo qof oo ka mid ah dadka Turkiga, taasoo aad uga badan dadkii codadkooda dhiibtay doorashooyinkii dowladaha hoose ee Turkiga ka dhacay horraantii sannadkan.

Reccep Erdogan oo ka socday xisbiga AK ayaa si aad ah uga horreeya, kuwaasoo kala ah; İhsanoğlu oo u tartamayay xisbiga CHP iyo Selahattin Demirtaş oo u tartamayay xisbiga MHP.

Madaxweynaha dalka Turkiga, Abdullah Gül oo xilka madaxnimo loo doortay sannadkii 2007 ayaa kursiga wareegin doona 28-ka bishan Ogoosto, isagoo aan ku jirin xubnaha u tartamaya xilka.

Xisbiga AK ee uu horkacayo Erdogan ayaa doorashooyinkii dowladaha hoose ee bishii Maarso sannadkan ka dhacay Turkiga ka helay codadkii la dhiibtay 43%, taasoo ahayd guul weyn.

Ugu dambeyn, Erdogan oo noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay oo Turki ah oo talada dalka ay gacantiisa ku jirayso ayaa taageerayaashiisa ugu sheegay magaalada Istanbuul in uu aadi doono magaalada Ankara ee caasimadda dalkaas uuna hadal guushiisa ku saabsan ka jeedin doono.

Doorashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay abdi shacabka Turkigu ay kusoo doortaan madaxweyne, iyadoo markii hore ay madaxweynaha soo dooran jireen baarlamaanka sida uu qabay dastuurka dalkaas oo haatan isbedel lagu sameeyay.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here