Ehelu Suna oo Ku Gacan Saydhay Guddiga Farsamo Ee Doorashooyinka Galmudug

0
614

Dhuusamareeb (Hargeisa Press.com): Ururka Ehelu Suna Wal Jameeca, ayaa ku gacan saydhay guddiga cusub ee farsamo ee ay dhawaan soo magacaabeen madaxweyne Xaaf iyo dawladda federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay maanta soo saareen Ehelu Suna oo uu ku saxeexnaa madaxa xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir, ayaa lagu sheegay in aanay aqoonsanayn guddigaasi, isla markaana uu baal-marsan yahay heshiiskii u dhexeeyay Ehelu suna iyo dawladda federaalka.

Sheekh Shaakir, ayaa ku tilmaamay guddiga farsamo ee ay soo magacawday dawladda federaalku mid ay ku baal-martay heshiiskii ay hore u wada gaadheen.

“Arrintii ay iyaga laftoodu shacabka u balan qaadeen ayaa la baal-maray. Markaa baal-markaa darteed ayaanu soo saarnay qoraalkan aanu ku leenahay, maadaama la baal-maray heshiiskii ma aqoonsanin guddiga loo soo magacaabay farsamadda doorashadda Galmudug”ayuu yidhi Sheekh Shaakir, oo la hadlay BBC.

Sheekh Shaakir, oo la waydiiyay in maadaama guddigan magacaabisteedda ay ku heshiiyeen madaxweynaha xiligiisu dhamaaday Xaaf iyo wasiirka arrimaha gudaha dawladda federaalka Soomaaliya.

Hadaba qaadacaadan ay maanta soo saareen Ehelu Suna, ma u muuqataa mid khilaaf abuuraysa.

Sheekh Shaakir, oo su’aashaas ka jawaabayay waxa uu yidhi “Maya, ma muujinayso. Madaxweyne Xaaf iyo aniga iyo  wasiirka arrimaha gudaha ayay dawladda federaalku ku wareejisay, oo heshiiska u saxeexay. In aan wada dhisayno guddigan”.

“Xaaf, wuxuu yidhi wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ayaan ku wareejiyay dhismaha guddiga farsamo ee doorashadda Galmudug. Dawladda federaalku waxay nagula heshiisay in aan guddiga wada dhisno”ayuu yidhi Sheekh Shaakir.

“Maamulka ayaa u xaq dastuuriyan in uu soo dhiso guddiga farsamadda. Waxaanay dawladda federaalku saxeexday in xildhibaanadda anagu qaybta 35 aanu ku leenahay”ayuu yidhi Sheekh Shaakir.

Dhinaca kale Sheekh Maxamed Shaakir, waxa kaloo uu sheegay in guddigaasi farsamo dhismaheedda aanay kala tashan dawladda federaalku, isla markaana markii arrintaa ay xidhiidh kala sameeyeen aanay wax jawaab ah ka helin.

Sheekh Shaakir, oo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maya, warbaahinta ayuun baan ka maqalnay. Fariimo badan ayaanu u dirnay, bishan aan hadda ku jirno 8 ayay dawladda guddiga soo saartay.

Waan sugnay, xidhiidhna waan la samaynay. Wax jawaab ahna lanama soo siinin.

Sidaas darteed, ayaanu u nidhi guddiga ay wasaaradda arrimaha gudaha federaalku soo magacawday, guddi anaga na khuseeya ma aha”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY