Eekeeyeyaasha Farshaxa-nnimada Leh Ee Ku Jira Heesta (HA-U-NOQON-COD-BAAHIYE)

0
1204

Hal-abuurnimadu waa hanaan ku dhisan farshaxannimo uu Abwaanku ku ibo-furo, oo ku weelleeyo inay is waafaqaan hummaag-yada  sawirraada dhacdooyinka kala duwan leh iyo inuu suureeyo marxaalladda markaa taagan ee bulshada ku xeeran, amase ay tabayso.

Heestan ( CADOW AANAD GARANAYN HA U NOQON COD BAAHIYE,) ee aynu ka faalloonayno fallaanqaynteeda-na leh, waxa curiyay Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Maxamed (Cabdillaahi Saleebaan Bidde) oo ay Walaalo yihiin Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo ku suntan foollaadka suuggnta, waxaanna laxanka leh Abwaan, Xildhibaan Xasan Dhuxul Laabsaalax , halka cododkoodana ay ku tabinayaan Mahamed Ahmed Bakal , Mursal Muuse Cumar, Hodan Cabdiraxmaan Cismaan Maxabe (Hodan Cabdiraxmaan Dheere), Saban Saban iyo Ismaaciil Mahamed Ismaaciil (Dulcad) oo ka mid ah kooxdda Xiddigaha Geeska.

Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Bidde, sida uu ereyadan iskugu xidh-xidhay waa mid ka gun dheer inta innoo muuqata, hibo Rabbi ceeb ka nasahane ku galaday ayaa u sahashay in uu sidan u cabbirro oo bulshada baraarujin uga dhigo in maankoodda lala yeelan oo, garashaddoodu-na noqon mid uu daaqo garaad laa’we Agoon ka ah garaadka iyo arragtida markaas la rabo in lagu tanaado ee horseedka u ah taabbo-galka iyo hir-galka himillooyinkooda Ummmaddnnimo.

Waligaa Cannaantiyo

Iskadaa Colaado

Cuyuub waxaad u argtana

Adigoo ka caban kara

Ha ka dhigin cir soo dumay

Isku soo cel-celiyoo

Ha saluugin calafkiyo

Wuxuu Caadil keeno

Cidda Maalka haysiyo

Yaanu cuudku ku talin

Nin calaamad baas lihi

Yaanu ciidan ka dhigan

Carrab dalable yeelki

Meel aan cidi kasoo noqon

Cadho yaanay kula tagin

H u noqon cod baahiye

Cadaw aanad garanayn.

AHUN. Qaamuuskii iyo Macalinkii Suugaanta Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), waa kii murti ku yidhi, “Qalinkaa wax suureeya kugu sima halkaad doonto Saaxiib kal furan weeye Sunto fara ku hayntiisa weligaa ha sii deynin.”. Hase-yeeshee Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Bidde waxay murtidiisan inoo tilmamaaysaa in bini’adamka ceebihiisa aan la faafin, waayo ILAAHAY SWT wuxuu inoo sheegay in dadka ceebahooda aan la sheegin si ceebtaadu u asturnaato.

Rabbibaa laga cabsooda

Adigoon caga juglaynayn

Iyo culays isa saarayn

Habrashadda ku cararayn

Marna laguma ciil baxo

Suggaan la curiyo

Qalin lagu cad goosto

Lagu faafsho ceebaha.

Ekeeyayaashan soo jiidashada leh ee uu Abwaanku adeegsaday, mid na mid kama laalaado, waxaanu hooga-tusaallayn uga dhigay in bulshadu caqli ahaan noqoto mid ka korta inay dhagaysto baaq-yadda duul kala qaybinaya.

Caqligaagu yaanu noqon

Caydi aan korayn

Cilmi kaaba loo heli

Oo garasho celin karayn

Carrab dalable yeelkiye

Meel aan cidi kasoo noqon

Cadho yaanay kula tagin

Ha u noqon cod baahiye

Cadaw aanad garanayn.

W/Q. Khaalid Xabsi.

LEAVE A REPLY