Duufaanta Isaias oo Ku Wajahan Florida iyo Gobollo Kale

0
1152

Florida (Hargeisa Press)- Xarunta Qaran ee Duufaannada u qaabilsan Mareykanka ayaa xilli hore oo Sabtida maanta ah sheegtay in Duufaanta Isaias ay si “tartiib ah u sii xoogeysaneyso” iyadoo qarka u saaran in ay ku dhufato Bahamas islamarkaana haatan ku sii jeedda gobollada koonfureed ee Mareykanka.

Isaias ayaa ku socota jihada waqooyi-galbeed iyadoo wadata dabaylo aad u xoogan oo ku socda qiyaastii 135-kilometer saacaddii, sida laga soo xigtay khubarada saadaasha hawada.

Duufaanta Isaias ayaa lagu wadaa in ay ku dhufato gobolka koonfur-bari Mareykanka ku yaalla ee Florida gelinka danbe ee maanta oo Sabti ah ama Axadda.

Gobollada Florida iyo North Carolina ayaa ku dhawaaqay digniino la xidhiidha duufaantan ku soo fool leh.

Guddoomiyaha Gobolka Florida Ron DeSantis ayaa ku dhawaaqay in ay xaalad deg deg ah galayaan ilaa dhowr iyo toban degmo oo ku yaalla xeebta badda Atlantic.

Roobab culus oo ka dhashay duufaantan ayaa la filayaa in ay ka bilowdaan gobolka Florida maanta, iyadoo ay soo gaadhi doonaan gobollada Carolinas horaanta toddobaadka danbe.

Guddoomiyaha gobolka North Carolina Roy Cooper ayaa isna ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo uu ku soo rogay degmooyin xeebeedyada gobolkaasi, isaga oo amar ku bixiyay in dadka laga daadgureeyo Jasiiradda Oracoke, taasi oo ay sanadkii hore ku dhufatay Duufaantii Dorian.

Duufaanta Issias ayaa sababtay in mas’uuliyiinta qaybo ka mid ah gobolka Florida ay xidhaan goobaha dadka lagaga baadho cudurka COVID-19, xilli ay kiisasku ku sii badanayaan gobolkaasi.

Saraakiisha degmada Miami-Dade ayaa iyana sheegay in ayna rumeysnayn in ay lagama maarmaan tahay in la furo xarumaha loogu talogalay in la dejiyo dadka la soo daadgureyo, laakiin waxa ay tilmaameen in ilaa 20 xarumood ay diyaar yihiin haddii ay xaaladda wax iska beddelaan.

LEAVE A REPLY