Duqayn Culus oo Ku Socota Magaalada Mekelle Ee Tigray

0
1121
magalaada Mekelle ee caasimadda Tigray
magalaada Mekelle ee caasimadda Tigray

Mekelle  (Hargeisa Press) – Dowladda Itoobiya ayaa dagaal cir iyo dhul ah kii ugu danbeeyey ku qaaday magalaada Mekelle ee caasimadda Tigray, kadib markii ay soo dhamaatay wakhtigii loo qabtay inay isku soo dhiibaan madaxda TPLF.

Waxaa xaafadaha Magaalada Mekelle ka socdo duqeyn culus oo ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka Itoobiya, waxaana bilowday dagaal u muuqda inuu yahay midkii ugu dambeeyey oo uu Abiy Axmed ku doonayo inuu kusoo gaba-gabeeyo xasarada ka taagan Gobolka Tigray.

Hogaamiyaha xoogagga fallaagada ah ee gobolka Tigray ayaa sheegay in ciidamada dawladda Itoobiya bilaabeen guluf ay doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada Mekelle ee caasimadda gobolkaas.

Hogaamiyaha xisbiga TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa fariin telefoon oo qoraal ah oo uu u diray wakaaladda wararka ee Reuters ugu sheegay in Mekelle “duqayn culusi” ku socoto.

Af-hayeenka xafiiska ra’iisal wasaraha, Billene Seyoum, ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya aanay “duqaynayn” goobaha rayidka ah, waxaanay intaa ku dartay in “bedqabka dadka rayidka ah ee reer Itoobiya ee ku nool Mekelle iyo gobolka Tigray tahay arin mudnaan u leh xukuumadda federaalka”.

Debretsion ayaa sidoo kale ku eedeeyey ciidamada dalka ay jaarka yihiin ee Eritrea in ay weerareen xeryo qaxooti oo ku yaal gobolka Tigray si ay u qabqabtaan qaxooti hore uga soo qaxay Eritrea.

Wakaaladda wararka ee Reuters uma ay suurto gelin ay wax jawaab ah ka hesho xukuumadda Eritrea oo ku saabsan eedayntaas.

Eedaymaha ay dhinacyada oo dhami is weydaarsadaan ayay adagtahay in la xaqiijiyo maadaama oo telefoonnada iyo internet-ku ba ka go’an yihiin deegaanka, inta suurto galka ahna gacan adag lagu hayo tan iyo markii uu dagaalkaa dhex maraya xoogagga TPLF iyo kuwa dawladdu uu halkaa ka bilaabmay saddex todobaad ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here