Duqa Caasimada oo Raaligelin ka bixiyay Ciladii ku Timid Shirkadda Telesom

0
424

Hargeysa (HargeisaPress) Cabdikariin Axmed Mooge duqa magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in dawlada hoose ee caasimadu ay ka masuul ahayd sababtii keentay ciladii ku timi adeegga shirkadda isgaadhsiinga ee Telesom.

Maayar Mooge wuxuu xusay in hawl-wadeeno iyo qalab ka shaqaynaayay wadada maxkamada agmarta ee dhismeheedu socdo ay waxyeelo u gaysteen xadhkihii shirkadaas, taas oo raali gelin shirkada ka siiyay maayarku.

Ciladda ku timid shirkada isgaadhsiinta telefoonada ee Telesom, ayaa maamulka iyo masuuliyiinta shirkadu ku xaliyeen muddo kooban.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here