Dullucda Kulan Nairobi ku Yeesheen Maareeyaha Duulista Somaliland iyo Sarkaal Faransiis ahi

0
745

Nairobi ,(HargeisaPress) —Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay inay martiqaad u fidinayso Maalqabeennada Faransiiska si ay uga faa’iidaystaan fursadaha Maalgashi ee ka jira Somaliland.

Siday Werisay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA) oo soo xigatay War uu maanta daabacay Wargeyska Standard ee ka soo baxa Kenya, oo daabacay in  Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland Cabdi Maxamed Rodol oo uu wehelinayey Wakiilka JSL u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar ay Magaalada Nairobi  kula kulmeen u Qeybsanaha Arrimaha Ganacsiga ee safaaradda Faransiisku ku leeyahay Nairobi Mr. Emmanuel Dragon.

Mr. Cabdi Maxamed Rodol Maareeyaha Hay’adda Duulistu wuxuu  caddeeyey in JSL oo ah dal curdin ah uu  u baahan yahay maalgashi dhinacyo badan leh, sidaas darteedna uu soo dhaweynayo in maalqabeennada Faransiisku ay yimaadaan dalka si ay uga faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland.

Warsidaha Standard wuxuu intaas ku daray in Maareeye Cabdi Maxamed Rodol uu Kenya kula kulmay  masuuliyiinta shirkadda Kenya Airways oo uu ku booriyey inay bilaabaan duulimaadyadii tooska aheyd ee shirkadaasi qorsheysay inay  ku tagto Somaliland oo ay horena  u dhammaystirtay  cilmi baadhistii ay ka sameeyeen Madaarka Hargeysa.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY