Dugsiyada Nuuradiin Oo Xaflad Qiimo Badan U Qabtey Ardeydii U Fadhiistey Imtixaanka Shahaadiga ah Ee Dugsiyada Sare + SAWIRRO

0
2046

Hargeysa, (HargeisaPress) —Dugsiyada Nuuradiin ayaa Xaflad ay ku maamuusayaan kuna sagootinayaan Ardeydii dhameystey Waxabarashada Dugsiyada Nuuradiin ee Fasalada Afraad ee Dugsiga Sare ugu qabtey Huteelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa.

 

Xafladan Dugsiyada Nuuradiin(Schools), u qabtey Ardeyda ka baxdey Dugsiyada Sare ee Deyrtan u fadhiistey Imtixaanka shahaadiga ah  oo aheyd mid siweyn loo soo Agaasimay islamarkaana, ay kasoo qeyb galeen in ka badan kumanaan Ardey marka laga reebo 800 oo Ardey oo loo qabtey Xafladaasi,waxaana kasoo qeyb galey  Siyaasiyiin,Salaadiin,Aqoonyahan,Ururada Bulshada Rayidka ah,Macalimiintii Dureed ee Wasaarada Waxbarashada,Masuuliyiin ka socdey Jaamacadaha dalka,Macalimiinta iyo Maamulka Dugsiyada Nuuradiin-Schools,iyo Marti sharaf kale oo tira badan.

NURA 2

Maamulaha Dugsiyada Nuuradiin Schools Mahad Ibraahim Axmed Goola-cade oo ka mid ah Masuuliyiinta maamulka Jaamacadda Hargeysa University oo halkaa ka hadlay waxa  uu Sheegay in ay Ka Jaamacd ahaan mar kasta oo ay Ardeyda Freshka ah qaadanayaan ay kuwa ugu dhibacaha sareeyaa yihiin kuwa uga yimaada Nuuradiin Schools

NURA 1

Somaliland oo aanu caadd-saarany isla markaana doodi ka taagnayn “aniga guud ahaan maamulka iyo macalimiinta Noradiin waxay iila muuqdaan inayihiin hormuudkii waxbarashada dalka oo aanay waliba wax dood ahi ka taaagneyn” ayuu yidhi Mr Gool-cad  jaamacaduhu sanadkasta qoranayaan ardayda ka soo baxa Schoollada kuwa ugu sareeya ee marka imtixaanaadka laga qaadoyo ugu Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadley Gudoomiyaha Jaamacada Badder Mubaarik Yuusuf Aar oo isaguna ku dheeraadey amaanta iyo kaalinta Ardeyda ka baxda Sanad Walba Dugsiyada Nuuradiin Schools kuwaas oo ay ka jaamacad ahaan ku qabaan kalsooni badan.

nu 7

Waxa kale oo Halkaa isaguna hadal dheer ka  jeediyay Maamule Kuxigeenka Dugsiyada Nuuradiin Schools Ismaaciil Cakuushe oo Sheegay in 800 Ardey ee dhameystey Waxbarashada Dugsiyada Sare ee Nuuradiin-Schools ay 150 Ardey oo kamid ahi ahaayeen kuwii Tabarucaadka wax kaga baran jirey Dugiyada Nuuradiin,taasina ay Iskuulka u tahey mid aakhiro iyo aduunba kaalin fiican ugu jirta islamarkaana kor usii qaadeysa heerarkiisa Waxbarasho iyo mar walba tirada Ardeyda iyo Macalimiinta oo aan sanadna sanadka kale ku dareynin.

NURA 5

Axmed Goola-cade oo ka mid ah Masuuliyiinta maamulka Jaamacadda Hargeysa University oo halkaa ka hadlay waxa  uu Sheegay in ay Ka Jaamacd ahaan mar kasta oo ay Ardeyda Freshka ah qaadanayaan ay kuwa ugu dhibacaha sareeyaa yihiin kuwa uga yimaada Nuuradiin Schools.

 

Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadley Gudoomiyaha Jaamacada Badder Mubaarik Yuusuf Aar oo isaguna ku dheeraadey amaanta iyo kaalinta Ardeyda ka baxda Sanad Walba Dugsiyada Nuuradiin Schools kuwaas oo ay ka jaamacad ahaan ku qabaan kalsooni badan.Gudoomiyaha Jaamacada Maroodi/jeex Universty Dr Cabdi Xuseen Gaas(Gudoomiyihii hore ee Hargeysa Universty),oo isaguna halkaa ka hadley ayaa sheegay in Dugsiyada Nuuradiin-Schools,ay gaadheen hurumar la taaban karo iyo himilooyinkii ay hiigsanayeen isagoo carabka ku adkeeyay in uu qiimayntiisa ku cabirey in Nuuradiin-Schools ay hada gaadheen Guushii Waxbarashada.

NURA 3

Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada Jaamacada Admas Xuseen Cabdilaahi oo isaguna hadal kooban ka jeediyay Madasha ayaa sheegay in ay ka jaamacd ahaan soo dhaweynayaan sida ay usii sagootiyeen Dugsiyada Nuuradiin-Schools Ardeydii dhameystey Waxbarashada Dugsiyada Sare ee Fasalada Afraad.

 

Dr Xuseen Cabdilaahi Bulxan, oo ah Gudoomiyaha Jaamacada Fun Universty oo isaguna madasha ka hadley ayaa siweyn ugu dheeraadey doorka uu ku leeyahey Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin-Schools Mahad Ibraahim Maxamed hogaaminta Dugsiyada iyo hurumarkooda dhinaca Waxbarasho,isagoo ku tilmaamay in heerka uu gaadhey ka turjumeyso guusha ay gaadhaan qofka Hogaamiyaha dhabta ah.

 

Waxa isaguna hadal dheer ka jeediyay Madashaasi Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Abiiib Axmed Cali oo sheegay in dadka qaarada Yurub u dhashey ay magac gaar ah u bixiyaan dadka hurmarka badan gaadhay sida Maamulaha Dugsiyada Nuuradiin iyo macalimiintiisa.

 

Waxa kale oo iyaguna madashaasi ka hadley Wasiirkii hore ee Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe,Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan,Cabdirisaaq Xaaji Xuseen mulkiilaha Jaamacada Alpha, Qaar kamid ah Ardeyda iyo Macalimiinta Dugsiyada Nuuradiin,ayaa dhamaantood uga hadley heerka Dugsiyada Nuuradiin iyo doorka uu ku leeyahey dalka iyo Waxbarashadiisa iyo waliba sida uu uga dhex muuqdo Dugsiyada gaarka loo leeyahey.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here