Dugsiga Indhooleyaasha Boorama Oo Qalab La Soo Gaadhsiiyay

0
633

Boorama (Hargeisa Press.com): Qalab loogu tallo galay in ay wax ku bartaan dadka Araga naafadda ka ah ee wax ku barta dugsiga  Indhooleyaasha Boorama ee Al-Beder ayaa maanta lagu wareejiyay maamulaha dugsigaasi.

Agabkan oo ay soo bixiyaan dad Soomaaliyeed oo wadamadda dibadda ku nool, qalabkaasi oo ka mida kuwa ay wax ku bartaan dadka Araga naafadda ka ah.

Iyadoo ay ka jawaabayeen baaq dhawaan ka soo yeedhay dadka Araga naafadda ka ah ee wax ka barta dugsiga Indhooleyaasha  Al-Beder ee magaaladda Boorama.

Kuwaasoo bulshadda Somaliland ugu baaqay in laga qayb qaato sidii looga caawin lahaa dugsigaasi

Waxaana baaqaasi ka soo  jawaabay dad muxsiniin ah oo qalabkaasi ku soo caawiyay dugsiga Al-Beder.

Inda Muxumed Caqli, oo ah maamulaha dugsiga dadka Araga naafadda ka ah wax ku bartaan ee Boorama ayaa ka gudoontay caawimadaasi dugsiga la soo gaadhsiiyay.

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY