Dugsiga Indhoolayaasha Hargaysa Oo Qarka U Saaran In Uu Xidhmo

0
582

Hargaysa (HP): Dugsiga dadka aragga naafadda ka ah ee gudaha magaalada Hargeysa ayaa qarka u saaran in uu xidhmo, taasoo ay sabab u tahay in adiga indhaha qaba marka iskuulkaasi aad gasho indhahaagu ay ka soo boodayaan.

Iyadda oo aanu laheyn kuraas ku filan ardayda, daaqaduhu ay jajaban yihiin, sidoo kale kaabadaha ay ardayda aragga naafadda ka ahi u maraan faslada ay wax ku dhigtaan ay yihiin kuwa dhaadheer.

Sidoo kale malaha Masqulo u reeban dadka aragga naafadda ka ah oo ay xaajadooda ku gutaan, mana heystaan agabkii loogu tallo galey in ay wax ku bartaan dadka aan laheyn laxaadka aragu duruufahaasi iyo kuwa kale oo ku gadaaman ayaa keenaya in aanay sii socon waxbarashada dugsigani.

Ardayda iskuulkani wax ka barata ayaa isugu jira, hal-abuur, wariyayaal, iyo waliba abwaanno iyo arday kale una baahan in la taageero.

Ardayda dugsigani wax ka barata ayaa sheegay in la gaadhay wakhtigii uu soo booqan lahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iskuulkooda ee uu ogaan laaha baahida ay qabaan, ardaydan ayaa imika wax ku barta fasalo uu siiyay maamulaha dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Madar, ama Xuseen Giire, ee ka soo horjeedka xafiiska manaahijta Qaranka ee magaalada Hargeysa.

Adna Maxamed Cali waa ardayad aragga naafo ka ah, naafanimadeeduna aanay ka hor joogsan hiigsigeedi iyo hamigeedi, waana suxufiyad ka hawlgasha Idaacadda Qaranka ee Radio Hargeysa, waxaanay ugu horreyn farriin u dirtay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalialnd Mudane3 Muuse Biixi Cabdi.

Waxaanay tidhi, “Ugu horeyn madaxweynaha Somaliland ayaan baaq u dirayaa, madaxweyne codkii aad ku soo baxday 25-kun oo ka mid ahi waxaa ay ahaayeen dadka aragga naafadda ka ah, waxaan jeclaan laheyn inaad iskuulkayaga timaado, oo aad aragto caqabadaha iyo duruufaha ku gadaaman, anigu waxaan ka mid ahey ardayda sugeysa inay u fadhiistaan imtixaanka sannad dugsiyeedka ee fasalka siddaad ee dugsiga dadka ragga naafadda ka ah.

Dugsigani hore ayuu sannadkii 2017-kii ayuu xidhmay anaga oo sidan oo kale imtixaankii shahaadiga ahaa u sugeyna, waxaa aanu u jeclaan laheyn in leyska kaashado sidii loogu dadaali lahaa in aanu iskuulku xidhmin oo shicib iyo dawladdba gacmaha leysu qabsado”.

Sidoo kale Sakariye Cali, waa arday araga naafo waxaa uu sheegay in imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanadkii hore uga baaqsaday iskuulkoodii oo xidhmay balse uu imika diyaar u yahay in uu u fadhiisto imtixaanka shahaadiga ee dugsiyadda hoose.

Waxaanu yidhi,  “Sanadkii 2017 ilaa 2018-kii anaga oo sugeyna ardaydii bixilaheyd ee maanta fasalka koobaad ee dugsiga sare gali laheyd, oo qayrkood la jaanqaado, maanta anagu waxaa aanu nahay sideedaad dirqi ku socda.

Waxaan marka wasaaradda waxbarashada iyo madaxweynahayaga mudane Muuse Biixi Cabdi in aanu iskuulkayagan la gacan qabto oo aanu mar danbe iyo sanad danbe toona naga xidhmin, waxbarashada dugsigayaguna dirqi ayay ku socota oo macalimiintayadda oo na garab joogsatay ayaa wada”.

Mahdi Muuse Jaamac, ahna midka mida dadkii ka aflaxay dugsiga dadka araga naafadda ka ah ayaa imika macalin ka ah dugsigani waxaanu sheegay in la gaadhay wakhtigii uu madaxweynaha Qaranku soo booqan lahaa dugsiga Indhoolayaasha.

“Maalintii aan dugsigani bilaabayey ismaan laheyn qof araga naafo ka ah ayaa waxbaran karra maantana runtii anigii ayaa macalina, oo dad badan oo araga naafo ka ahi ay gacanteyda ka aflaxeen, dhab ahaantiina waa wax guula oo lagu farxo.

Dugsigani waa laanbadda kaliya ee ka ifeysa gayiga Jamhuuriyadda Somaliland maantana waxaa ku gadaaman baahiyo fara badan, oo gaadiidku kow ka yahay waayo hadii aan gaadiid la helin iskuulkii ha furnaado laakiin ardaydii iman meyso, baahida ugu weyn ee dugsigani taalla waa gaadiid, waxaa ka mida in dugsigi na loo habeeyo, imika macalimiin ahaan ma lihin xafiis, Masqulihii oo kale ma jiraan”ayuu yidhi Mahdi.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Gunadii aan macalimiin ahaan aanu u qaadaneynay ayaanu laba gaadhi ugu kireynay ardayda iskuulka, hadii ay buugaag noqoto iyo haday baahiyo kale noqotaba anaga ayaa ardayda u iibina, iskuulku aad iyo aad ayuu u liita oo wax aanu jeebkayaga ka bixino mooyaane wax meel kale naga soo gaadha ma jiro, ardayda qaar ayaa qalabka iska daba suga, marka waxaanu rajeynayna in aanu xarun waxbarasho, gaadiid iyo agabkii ardayda wax lagu barilahaaba aanu helno.

Fariintayadana dhab ahaantii waxaa aanu gaadhsiineyna madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, oo runtii hadii uu ogaado aan naga fadhiisaneyn ee soo dhaqaaqi doona, waxaa aanu madaxweynaha ka codsaneyna in uu noogu yimaado xarunta iskuulka oo uu isagu indhihiisa ku arko baahida taala iskuulka.

Anaguna xaq ayaanu u leenahay in aanu aragno madaxweynahayaga waayo bulshada kale ee la shireysa, arkeysa, ee la fadhiisaneysa qayb ayaanu ka nahay, marka waxaa la gaadhi wakhtigii uu madaxweynuhu soo booqan lahaa dadka araga naafada ka ah ee magaalada Hargeysa ku yaalla, bulshada araga naafadda ka ahna uu xaalkooda dhab ahaantii ogaanlahaa”.

Maamulaha dugsiga dadka araga naafadda ka ah ee magaalada Hargeysa Iid Xasan Kheyre ayaa mid mid isu dultaagay baahiyaha dugsigooda ku gadaaman.

Waxaanu yidhi “Baahida koowaad in la hello gaadiid ardaydii soo qaada, in iskuulkii loo hagaajiyo, in loo sameeyo qalabka ay wax ku baranayaan, in hay’addaha dawlada iyo kuwa madaxa banaanba ay ka wada shaqeeyaan horumarintiisa, in madaxweynuhuna gacan weyn ka geysto.

Mana filayo in madaxweynuhu laba gaadhi oo iskuulkan qaada aanu u keeni kara-heyn, hawsha iskuulkana madaxweynuhu nagala shaqeeyo, waa arrin Qaran waa arrin aan odhan karro macaa wasaaradda waa uu ka balaadhan yahay, oo ganacsato iyo qofkasta oo kheyrka jeceli uu ka qayb qaato”.

 

Gaba-gabadii maamulka iyo macalimiinta dugsiga indhoolayaasha ee magaalada Hargeysa waxaa ay codsadeen, in kaalmadda dugsiyadda baahiyaha gaarka ah qaba ugu jira miisaaniyadda in looga soo saaro lacag ku filan baahiyaha dugsiga indhoolayaasha ee magaalada Hargeysa.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY