Dufcadii Afraad Ee Arday Ka Qalin Jebiyay Jaamacadda Abaarso Tech Ee Hargaysa

0
446

Hargaysa (HP): Boqolaal arday ah oo dhamaystay qaybaha kala duwan ee culuumta waxbarasho ee ay bixiso jaamacadda Abaarso Tech ee magaaladda Hargaysa ku taalla ayaa maanta loo qabtay xaflad balaadhan oo qalin jebin ah.


Ardaydan qalin bedeshay ayaa noqonaya dufcadii afraad ee waxbarasho heer jaamacadeed ah ka dhamaysta jaamacadda Abaarso Tech, tan iyo markii jaamacadaasi la aasaasay.
Xaflad loo sameeyay qalin jebinta ardaydaasi oo maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, guddoomiyaha golaha Wakiiladda C/rasaaq Khaliif Axmed, xildhibaano ka tirsan goleyaasha baarlamaanka Somaliland.
Sidoo kale waxaa xafladaasi joogay cimawdiin, masuuliyiin ka socday xisbiyadda siyaasadda iyo ururadda siyaasadda Somaliland, iyo maamulka iyo macalimiinta jaamacadda Abaarso Tech, waalidiinta ardayda qalin jebiyay iyo marti sharaf kaloo tiro badan.


Guddoomiyaha jaamacadda Abaarso Tech Dr. Axmed Xuseen Ciise, oo khudbad ka jeediyay xafladaasi ayaa ugu horayn u mahad celiyay waalidiinta waxbarashadda u ogolaaday ardayda baahiyaha gaarka ah qaba.

DAAWO:Khudbadihii laga jeediyax xafladaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here