Dr. Maxamed Axmed oo si Faahfaahsan uga Hadlay Halista Cudurka Corona-virus iyo Heeganka ay Dowladda Turkigu Ugu Jirto

0
904
Somli Dr. Muhammed Ahmed ( Esra Hacioglu - AA )

ISTANBUL, (HargeisaPress)-Cudurka halista ah ee Corona-Virus, ayaa si xooggan ugu faafaya dalal badan oo caalamka ah, iyadoo uu xannuunkani soo gaadhay dalalka Bariga Dhexe iyo qaaradda Yurub, waxaanna ugu daran dalalka Talyaaniga iyo Iraan oo uu durba saamayn ku yeeshay.

Waxa kaloo kiisas cusub lagu arkay dalalka Kuwait, Ciraaq iyo Baxrayn maalintii Isniintii maanta ee taariikhdu ahayd 24 February 2020, halka sidoo kale uu xannuunkan ku faafay meelo badan oo caalamka ah, waxaanna inta la ogyahay u geeriyooday dad lagu qiyaasay 2,400 (laba kun iyo afar boqol) oo qof ilaa Isniintii maanta, balse waxa la filayaa in tiradu intaas ka badato, maadaama oo uu saacad walba iyo maalinkasta ay dad u dhimanayaan cudurkan halista ah.

Haddaba, Dr. Maxamed Axmed oo ah dhakhtar Soomaali ah oo ka hawlgala cusbitaal ku yaal dalka Turkiga oo u waramay Idaacadda VOA-da, ayaa ka hadlay cabsida xooggan ee laga qabo xannuunkan iyo sida xooggan ee ay dowladda Turkigu heeganka ugu jirto.

“Dalka Turkigu waxa uu marayaa heerkii ugu sareeyey ee ah feejignaanta ka dhanka ah xannuunkan Corono-virus oo ah xannuun hadda ku cusub Adduunyada, waxaanna feejignaan la geliyey dhammaanba bahda caafimaadka, dhakhaatiirta iyo wixii kale ee la xidhiidha, sida shirkadaha dawooyinka, shirkadaha soo saara noocyada ka mid ah dawooyinka iyo kuwa lagaga hortago ee loo yaqaan tallaalada, markaa hadda cabsi aad u weyni way jirtaa oo la xidhiidha Corono-virus,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Axmed.

Waxa kaloo uu ka jawaabay su’aal ahayd sababta xiligan keentay cabsida ugu weyn ee ka jirta Turkiga, waxaannu yidhi; “Dad ka mid ah dadka looga shakiga qabo inay xannuunkaas qabaan ayaa waxa laga helay dalalka ku dhaw-dhaw Turkiga, sida waddanka Iran oo hadda wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan inay u geeriyoodeen xannuunkan ilaa toddoba qof. Waxa kaloo ay Dowladda Turkigu shalay (Toddobaadkan) soo saartay, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Guduhu in wixii ka dambeeya 23 February 2020 (maalintii Axadda) ay xidhay xadka u dhexeeya Iran iyo Turkiga, taasoo keentay in labada waddan oo isku-socodkoodu uu aad u badan yahay in ay gabi ahaanba joogsadaan dhammaan duulimaadyadii diyaaradaha ee u dhexeeyey Turkiga iyo Iran. Waxa kaloo jira oo wararkii u dambeeyey sheegeen in degaannada Qubrusta Woqooyi (Northern Cyprus) oo hoos timaada Turkiga laga helay hal qof oo looga shakisan yahay inuu fayrasku hayo, taasina waxay markaa sii dhalisay cabsi badan oo keenaysa in aad looga taxaddiro, waxaanna dhammaanba na loo qaybiyey shaqaalahayaga ka shaqeeya cusbitaallada waaweyn ee dowliga ah qalabka lagaga hortago, waxaanan hadda ku sugannahay xafiiskayga shaqada oo waxa aan xidhannahay qalabka lagu daboolo sanka iyo afka (Masks), si ka hortag loogu sameeyo.”

Waxa kaloo uu Digtoorku sheegay in Wasaaradda Caafimaadka Turkigu soo saartay awaamiir ah in gabi ahaanba karantimayn la geliyo cusbitaalka laga helo xaalad ah qof looga shakiyey xannuunkaas, waxaannu yidhi; “Waxa kaloo ka mid ah waxyaabaha ay Wasaaradda Caafimaadku ay kaga hortegayso in loo qaybiyo haddii la helo xaalad (case) ama qof looga shakiyey inuu qabo xannuunkaasi in gabi ahaanba cusbitaalka la geliyo karantimayn, isla markaana la joojiyo shaqada socota, waxayna arrimahaasi ka mid yihiin waxyaabaha ay hadda soo saartay Wasaaradda Caafimaadku.”

Dr. Maxamed Axmed, ayaa sidoo kale ka hadlay waxyaabaha caafimaad ahaan keenay in xannuunkani si degdeg ah ugu faafayo Adduunka, waxaannu yidhi; “Kolayba sida aynu hadda ka warqabno, cudurkani waxa uu ku fidaa neefta ama hawada, taasoo keenaysa in markaa laba qof ama qofku meelkasta oo uu maro uu xannuunkii qaadsiin karo dad kale oo kala duwan. Waxyaabaha kale ee keenaya cabashada ama in xoog looga werwero xannuunkan waxa ka mid ah daawo aan hadda loo hayn la xidhiidha xannuunkaas, waxayna hadda Wasaaradda Caafimaadku ama Guddida Caafimaadku ay soo saareen dawadii u horaysay ee hoos u dhigaysa taranka ama sida dhakhsaha leh ee uu u tartamo fayraskani, waxayna daawadaasi hadda ku jirtaa hannaankii diyaarinta ahaa oo weli laguma tijaabin qof xannuunkii qaba, laakiin waxay taasi yarayn kartaa sida dhakhsaha ah ee uu xannuunkaasi u tarmayo,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Axmed.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY