Dr. Maxamed Axmed Iyo Samafalayaal Turkiya oo ku wajahan Somaliland.

0
753
Somli Dr. Muhammed Ahmed ( Esra Hacioglu - AA )

ISTANBUL- Wefti balaadhan oo ay ka mid yihiin Dr. Maxamed Axmed Maxamed oo ah digtoor Soomaali ah oo ka hawlgala cusbitaalada Turkiga iyo Samafalayaal Turkiya oo ku wajahan Somaliland.

Weftigan ayaa i xaqiijiyay inay Sidan deeqo kal duwan oo ka kooban daawoyin iyo qalab kale oo caafimad kuwaasi oo caawa ka soo dhoofay Magalada Istanbul.

Weftiga Hada oo isugu jira dhakhaatiir iyo Sam falayaal Deeqo Daawo ah raba iney Gaadhsiiyaan Meelaha Looga Baahan Yahey

Digtoorkan dhallinyarada ah, ayaa sidoo kale caddeeyey in dalka Turkigu horumar weyn ka gaadhay cilmiga soo saarista iyo farsamaynta daawooyinka (pharmaceutical industry), halka uu sidoo kale iftiimiyey in muwaadiniinta Turkigu yahay dad wanaagsan oo soo dhawayn iyo marti-soor fiican, iyadoo ay taasina sabab u noqotay in waddanka Turkigu noqdo meel ay ku soo hirtaan bulshada Somalidu.

Dr. Maxamed Axmed, ayaa sheegay inuu jiro xidhiidh qoto-dheer oo ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaalida, xidhiidhkaas oo soo bilawday ilaa waqtigii ay Dowladdii Cusmaaniyiintu talin jirtay, iyadoo uu xusay in bulshada Soomaalida ah ay si fiican u xasuusan yihiin wanaagga iyo jacaylkii dowladda Cusmaaniyiinta.

LEAVE A REPLY