DP World Waxqabad Muuqda Ayay Ka Hirgelisay Jamhuuriyadda Somaliland

0
619

Qorshaha DP World ee Somaliland waxaa ka mid ah kafaala-qaadka 11 dugsi, Akadeemiyadda waxbarashada Badda, laba cusbitaal iyo xarun caafimaad… 

Hargaysa (HargeisaPress): Waxay u tahay fursad Dahabiya Somaliland iyo qaar ka mida dalalka Geeska Afrika, gaar ahaana kuwa Somaliland xuduudka la leh ee aan Badda lahayn, taasoo Somaliland u soo jiiday indhaha caalamka iyo shirkaddo caalamiya oo maalgashi.

Waxay kaalinta koowaad ka gelaysaa horumaradda iyo xidhiidhadda heerka caalami ah ee Somaliland gaadhay sanadihii u danbeeyay. Iyadoo loo arko mid saamayn togan ku keenaysa mustaqbalka dhaqaale, dawladnimo iyo horumarineed ee jamhuuriyadda Somaliland.

Shirkadda caalamiga ah ee DP World waxay si rasmiya ula wareegtay maamulka marsadda Berbera 11-kii bishii  March ee sanadkii 2017-kii. Waxaanay noqotay mid saamayn weyn oo dhaqaale, horumarineed iyo mashaariic kale-ba u horseeday Somaliland.

Waxay kor u qaadaysaa dhaqaalaha, shaqo abuurka, casriyaynta dekadda Berbera oo hadda dhismaheedu socdo iyo sidoo kale maalgelinta mashaariic waaweyn oo dhinacayadda kaabeyaasha dhaqaalaha ah. DP World waxay maamulka dekadda Berbera si rasmiya ula wareegtay 11-kii bishii March ee sanadkii 2017-kii.

22-kii bishii March ee sanadkii 2017-kii, waxay DP World guddiga abaaraha heer qaran ee jamhuuriyadda Somaliland ku wareejisay 400 oo Booyadood oo biyo ah, oo loogu tallo galay dadkii xligaa ay abaartu saamaysay ee gobolka Saaxil.

Mashaariicda aadka u qiimaha badan ee ay shirkadda DP World ka fulinayso waxaa ka mida jidka casriga ah ee isku xidhaya magaalooyinka Berbera iyo Tog-wajaale (Berbera Corridor), kaasoo dhererkiisu dhan yahay 250KM.

DP World waxyaabaha faa’iidadda leh ee ay Somaliland ku soo kordhisay waxaa ka mida shaqo abuur ay baahi weyn u qabeen bulshaddu. Sidoo kale waxay balaadhin iyo casriyayn ku samaynaysaa dekadda Berbera, taasoo imika dhismaheedu socd.

Waxaanay dekadda Berbera ka dhigaysaa mid la jaan-qaadda dekadaha caalamka, iyadoo heshiiska maamulidda dekadda Berbera ay DP World kula gashay xukuumadda Somaliland uu yahay in ay gacanta ku hayso muddo 25 sanadood ah.

“Hormoodka ganacsiga dunida, DP World, ayaa Isniintii daah-furtay xarun cusub oo qaybinta biyaha ah, taasoo kor loogu qaadayo 60% (lixdan boqolkiiba) adeegga biyaha ee magaaladda Berbera, Somaliland.

Mashruucan oo ay ku baxayso lacag dhan $1 milyan oo doollar wuxuu bilaabmay sannadkii 2018-kii. Waxaana ku jira afar ceel-biyood, laba Berkedood, laba Dar-biyood, Taangi sagbad ah oo biyo-kaydiye ah, Beeb biyood oo dhererkiisu yahay 7.0 KM oo ku xidhiidhsan ilaa kaydka biyaha.

Mashruucani, wuxuu ku shaqeeyaa tamarta Qoraxda iyo koronto-dhaliyaha. Sidoo kale waxaa ka mid ah dhismaha Masaajid meel u dhaw xarunta qaybinta biyaha.

Waxa loogu tallo galay in ay hoos u dhigto biyo-yaraanta Berbera iyo in biyo nadiif ah la siiyo dadka deegaanka iyo bulshadda reer Miyiga ah. Mashruucani wuxuu ka mid yahay istaraatijiyadda DP World ee joogtaynta horumarka  Somaliland, maadaama korodhka biyaha ee la filayo loo baahnaan doono, iyadoo ay ugu wacan tahay koritaanka Berbera.

Taasoo  dar-dargelinaysa maalgashiga DP World ee dekedda Berbera” sidaasi waxaa lagu yidhi warsaxaafadeed ay shirkadda DP World soo saartay bishii 16-kii bishii February ee sanadkii  2019-kii.

Sidoo kale shirkadda DP World saddex Ceel-biyood ayaa lagu wareejiyay dowladda hoose ee Berbera, iyadoo ceelka afraad iyo  labadda Berkadood-na loo qoondeeyay biyo cabbitaan oo bilaash ah, oo loogu tallo galay bulshadda deegaanka iyo xoolahooda-ba.

“Tan iyo sanadkii 2017-kii DP World waxay kor u qaaday adeegga dekedda Berbera 70%. Waxayna kordhiyeen awoodda waxqabad ee dekedda 50%. Haatan DP World Berbera waxay horumarinaysaa hal-abuurka maxaliga ah.

Waxaana tababar gudaha iyo dibadda ah ba la siisay in ka badan 2700 (laba kun iyo toddoba boqol) oo qof oo reer Somaliland ah sannadkii 2018-kii.

Suhail Al Banna, madaxa guud iyo maamulaha DP World ee Bariga dhexe iyo Afrika, ayaa sheegay: “Taageeradda Berbera waa qayb ka mid ah ballan-qaadkeena si aan gacan uga gaysanno horumarinta aagagga aan ka shaqayno, waxaanan kalsooni ku qabnaa in mashruucani uu faa’iidooyin muhiim ah u leeyahay dad badan oo ku baahsan gobolka.

Waxaan ku rejo-weynahay in aan wax walba oo aan qabanno ka dhigno mid dadka jooga Somaliland ay ka  dheefaan  faa’iido muddo dheer.

Waxaanan ku niyad-samahay in aan si dhaw ula shaqayno mas’uuliyiinta Somaliland iyo dadka, si loo hagaajiyo tayada nolosha, iyadoo loo marayo kaabeyaasha muhiimka ah iyo mashaariicda joogtaynaya horumarka.”

Qorshaha DP World ee Somaliland waxaa ka mid ah kafaala-qaadka 11 dugsi, Akadeemiyadda waxbarashada Badda, laba cusbitaal iyo xarun caafimaad.  Shirkadda DP World waxay 4.5 milyan oo litir oo biyo ah ugu deeqday guddigii taakulaynta abaaraha ee Berbera sannnadkii 2017-kii, si loogu gacan-qabto 15000 oo qoys oo abaari xiligaa haleeshay” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay shirkadda DP WOLRD.

Dhinaca kale shirkadda DP World ayaa mudadda ay gacanta ku haysay maamulka dekadda Berbera waxay keentay Taag ama Wiishka maraakiibta Koontiinaradda lagaga soo dejiyo oo aad u casriya.

Kaasoo isbedel weyn ku sameeyay hanaankii shaqo ee dekadda Berbera, isla markaana wax badan ka fududaysay sidii ay markii hore u shaqayn jirtay.

Isku soo wada duuboo, imaatinka Somaliland ee DP World  ayaa loo arkaa mid faa’iidooyin aad u fara badan u keentay guud ahaanba dalka jamhuuriyadda Somaliland, bulshadda iyo sidoo kale kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalka.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY