Dowladda Taiwan oo Somaliland U Soo Dirtay Hambalyo iyo Ballan-qaad Iskaashi 

0
4303

Taipei (Hargeisa Press)- Dowladda Taiwan, ayaa dhambaal mahadnaq ah soo gaadhsiiyey Xukuumadda Somaliland, isla markaana sheegtay in labada waddan wadaagaan qiyamka dimuquraadiga iyo madax-bannani u dirirka, sidaa awgeedna ay iskaashi buuxa wada yeelan doonaan, waxaana geesteeda ka hadashay warkaas Somaliland.

Dhambaalka Xukuumadda Taiwan oo lagu soo socodsiiyey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillahi Saylici ayaa lagu ballanqaaday inay si wada jir ah uga wada shaqeyaan wanaaga aadanaha labada wadan.

Fariin lagu baahiyey barta Twitter ee Wasaarada Arrimaha Dibedda Taiwan ayaa lagu yidhi; “Mahadsanid, Madaxweyne ku xigeen hambalyadaada diiran eed u soo dirtay Madaxweynaha Taiwan Marwo Tsai Ingwen, Madaxweyne ku xigeenka Md William Ching Telai ee caleema-saarka Taiwan.”

Wasaarada Arrimaha Dibedda Taiwan ayaa fariinta ay u soo dirtay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Abdirahman Saylici ku sheegtay in labada wadan wadaagaan qiyamka dimuqraadiga, iyadoo tidhi;“Taiwan iyo Somaliland waxay wadaagaan qiyam dimuqraadi ah, waxaan rajaynaynaa inaan ka wada shaqeyno wanaaga aadanaha.”

Dhambaalka dalka Taiwan u soo diray Somaliland ayaa ka dambeeyey ka dib markii Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici uu dhambaal u diray, oo u dhignaa sidan; “Annigoo ku hadlaya magaca Somaliland waxaan hambalo u dirayaa Madaxweynaha Taiwan Marwo Tsai Ingwen, bilaabida xil-gudashadaada labaad adiga iyo Madaxweyne-xigeenkaaga Md William Ching.”

Madaxweyne ku xigeen Somaliland Md Saylici oo dhambaalkiisa ku diray bartiisa Twitter ayaa raaciyey; “Waxaan kuu rajeynaaa guul kasta oo aad ka gaadho shaqadaada. Waxaan rajeynayaa inaan sii wado wada shaqeynta dhow, si aan u xoojino xidhiidhka labadeena wadan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here