Dowladda Soomaaliya Oo Dalkeeeda Ka Eriday Wakiilkii Qaramada Midoobay

0
2185
Nicholas Haysom

MOGADISHU —Dowladda Soomaaliya oo u muuqata in ay deg deg uga jawaabeyso qoraal ka soo baxay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in Ncholas Haysom dalka looga baahneyn

Qoraalka oo ka soo baxay Wasaarradda arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa lagu yidhi in dowladda Soomaaliya ku wargalineyso xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey in aan wadanka laga rabin, kana shaqeyn karin wakiilka Qaramada Nicholas Haysom.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa daba joogay warqad wakiilka xoghayaha guud ee QM uu uga codsaday dowladda in ay jawaab deg deg ah ka bixiso wixii ka dhacay magaalada Baydhabo gaar ahaan xarriggii Wadaadka Mukhtaar Rooboow Cali AbuuMansuur.

WARQADA ERIGA KA SOO BAXADAY SOMALIYA HALKAN HOOSE KA AKHRISO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here