Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo Dheeraad Ah U Direysa Gobolka Gedo

0
668

Gedo (Hargeisa Press)- Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta gaadhaan qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Ciidamo ay hore ugu dirtay dowladda gobolka Gedo ayaa la wareegay gacan ku heynta degmooyinka BeledXaawo iyo Dooloow oo ay ku xooganaayeen ciidamo daacad u ahaa Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ay baadi-goob ugu jirto dowladda kaddib markii uu ka baxsaday xabsi uu ku xidhnaa.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in dowladdu mas’uul ka tahay sugida Amniga deegaannada ay la wareegeen ee ka tirsan gobolka Gedo oo hoostaga maamulka Jubbaland ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

Dowladda  Federaalka ayaa dadaal ugu jirta sidii Gobolka Gedo oo dhan ula wareegi laheyd, islamarkaana ka goyn laheyd Maamulka Jubbaland, waxaana hore u jiray eedeymo loo jeedinayay dowladda Soomaaliya oo la xidhiidhay in ay fara-galin ku heyso nabad-galyada deegaannada Jubbaland.

 

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY