Dowladda Somaliland oo caddaysay in aan xadhiga badda Jabuuti la soo marinayn Berbera

0
741

Hargeysa (HargeisaPress)- Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolojiyadda Jamhuuriyadda Somaliland Prof. Cabdi-weli Sheekh Cabdillaahi Suufi Jibriil, ayaa sheegay in xadhiga isgaadhsiinta xambaara ee ay dowladda Jabuuti marinayso badda hoosteedu aannu wax xidhiidh ah ilaa hadda la lahayn dalka Somaliland, isagoo xusay inay Xukuumad ahaan hadda gacanta ku hayaan qorshayaal la doonayo in si wada-jir ah maalgashi loogu sameeyo xadhkaha isgaadhsiinta badda la mariyo.

Wasiir Cabdi-weli Sheekh Suufi Jibriil oo waraysi siiyey telefiishanka CBA TV maanta, waxa uu caddeeyey in dowladda Somaliland heshiis dhan 25 sanno ay kula jirto Shirkadda Somcable oo ka shaqaynaysa xadhkaha isgaadhsiinta dhulka iyo badda la soo mariyo, balse waxa uu caddeeyey in la diyaarinayo siyaasad iyo shuruuc lagu hago maalgashiga xadhkaha iskaadhsiinta oo ay ka wada qaybqaadan doonaan dowladda Somaliland iyo shirkadaha kala duwan ee isgaadhsiinta dalku.
“Xadhigan Dare 1 waa xadhig badda mara oo dalalkana isku xidhaya, markaa sida ay sheegeen dowladda Jabuuti waa xadhig imminka bilaw ah, markaa xadhigaas DARE 1 ilaa imminka wax xidhiidh ah lama laha dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waana laga yaabaa inay leeyihiin qorshayaal muddo dheer ah, laakiin ilaa maanta waxa aan idiin sheegayaa in aanay wax ruqdas ah u qaadan, manay helin wax ogolaanshiyo ah oo uu ku yimaado Berbera, qorshahana imminka uguma jirto inay maanta (xiligan) Berbera keenaan, laakiin waxa ay ka bilaabayaan wixii ka dambeeya Berbera sida aannu iyagana (dowladda Jabuuti) ka wada xidhiidhnay, markaa xadhigaas DARE 1 ilaa imminka xidhiidh lama laha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Berbera oo ah meesha ugu weyn,” ayuu yidhi Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolojiyadda Somaliland.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxa jira heshiis ay Wasaaraddu la gashay Shirkadda Somcable oo ah muddo 25 sanno ah oo dhacay (la saxeexay) muddo hadda toban sanno laga joogo, baarlamanka Somaliland-na xeer ayuu ku adkeeyey arrintaas, markaa cidda keliya ee maanta keeni kartaa waxa weeyee Shirkadda SOMCABLE.”
Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolojiyadda Somaliland, ayaa iftiimiyey siyaasaddaha la doonayo in lagu maalgashado isgaadhsiinta dalka, waxaannu yidhi; “Wasaarad ahaan waxa aannu ku jirnaa dedaal anaga oo hirgelinayna siyaasadda Madaxweynaha oo ah in kor loo qaado kaabayaasha dhaqaalaha ee waddanka oo ah in la mideeyo xadhkaha isgaadhsiinta (cables), kaasoo ay ku midoobi doonaa dowladda Somaliland iyo shirkadaha ugu waaweyn ee isgaadhsiintu, dedaalkaasina imminka wuu noo socdaa oo muddona waannu ka wadahadlaynay, shirkaduhuna way la socdaan oo qayb ayey ka yihiin, aragtiduna waxa weeye in aannu xadhkaha furno (fasaxno) oo ay Berbera noqoto goob ay yimaadaan xadhko badan oo kala duwan oo isgaadhsiinta badda hoos marta ah (submarine communications cable) mustaqbalka, si taas loo gaadhana waa in marka hore la mideeyo maalgashiga ay dowladda iyo shirkadaha isgaadhsiintu ay wada maalgashannayaan oo meel la isugu geeyo, taasna hawsheeda ayaannu ku jirnaa.”

Waxaannu intaas ku daray; “Anagu dowlad ahaan waxa aannu rabnaa in Berbera ay noqoto meel ay xadhko badan oo badda hoos maraa ay ku xidhmaan oo ay kaga soo xidhmaan meelo badan oo ka mid ah Adduunka, Jabuuti-na waa waddanka inoogu dhaw oo jaar ayeynu nahay, waana waddan ay walaaltinimo iyo wax badan innaga dhexeeyaan, horena aynu u wada shaqaynay. Ta kale liisan bixinta xadhkuhu (submarine cables) waa istaraatiijig muhiim u ah kaabayaashayaasha dhaqaalaha (Strategic Infrastructure) oo u baahan lacag badan oo la geliyo, muddo dheerna ay ku soo baxayso lacagtaasi, markaa wax sahlan maaha marka la leeyahay ‘xadhig ha la keeno’ oo waanay ku jirtaa in Shirkadda Somcable ay keento xadhig bad iyo xadhig dhulka ah labadaba oo waa la doonayaa, weliba dowlad ahaan taas oo keliya (SOMCABE) kumaannu koobnayn ee si aannu shirkad walba xadhig keensan lahayd oo ay noqon lahayd meel ay isbarbar yaacaan xadhkhuhu, waxa aannu doonaynaa in la mideeyo oo meel la isugu keeno, la iskuna dubbo-rido maalgashiga xadhkaha, taas ayaanan siyaasad ahaan gacanta ku haynaa, markaa si guudna in kor loo qaado sidii aynu u heli lahayn internet qiimihiisu jaban yahay, tayadiisuna fiican tahay oo ay bulshada reer Somaliland hesho, waayo dhaqaalaheenna ayaa kobcaya oo internetkaasi jabani waxbarashada ayuu kor u qaadayaa, adeegyada caafimaadka ayuu kor u qaadayaa iyo adeegyada kale ee kala duwan, markaa run ahaantii waa hawl noo taal in aannu wax badan ka qabanno, horena aannu u marino.”

Waxa kaloo uu Wasiirku ka hadlay qaababka ay u doonayaan inay ku horumariyaan isgaadhsiinta xadhkaha badda la mariyo, waxaannu yidhi; “Sida aannu u horumarinayno waxa weeyaan in aannu diyaarinno shuruucdii ay xadhkuhu ku imanayeen oo aannu isku dubbo-ridno maalgashiga, inta daneeyayaasha ah (stakeholders) la isugu keeno meel qudha oo ay Dowladdu ugu horayso, si aanay u dhicin wax isbarbar-yaacaya, taas ayaana anaga noo taal oo aannu ka shaqaynaynaa, lana helo meelo kala duwan oo uu xadhigu ka yimaado.”

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here