Dowladda Qatar oo War Ka Soo Saartay Kulankii Ay La Yeesheen Madaxweynaha Somaliland

0
1736

Hargeisa (Hargeisa Press) – Dowladda Qatar ayaa ka hadashay socdaal uu Toddobaadkan uu yimid Somaliland ergayga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar u qaabilsan ka hortagga Argagixisada iyo xal u helida Khilaafaadka Dr. Mutlaq bin Majed Al Qahtani.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa sheegtay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ergayga ka socday Qatar oo ay ka wada hadleen arrimo labada dawladoodba dani ugu jirto.

Waxa kaloo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar intaas ku dartay intii kulankii socday weftigoodu ay kala hadleen Madaxweynaha Somaliland xidhiidhka labada dhinac.

Madaxweynaha Somaliland, ayaana weftiga dalka Qatar warbixin dheer ka siiyay xaaladda guud ee dalku marayo iyo halkii laga soo ambo qaaday geeddiga Dimuquraaddiyadda muddo Soddon sanno ah, waxaanu madaxweynuhu weftiga ka guddoomay salaan ay uga sideen madaxda dalka Qadar.

Waxaana kulankii ay wada yeesheen Madaxweyne Biixi iyo Dr. Mutlaq bin Majed Al Qahtani lagaga wada hadlay in labada waddan ay yeeshaan xidhiidh wanaagsan oo walaalnimo iyo iskaashi wada shaqayneed iyo in dalka Qadar halkan (Somaliland) ku yeesho xafiis Diblumaasiyadeed oo rasmi ah.

Sidoo kale, waxa laga wada hadlay kulankii ay wada yeesheen Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga Qatar sidii hay’adda Qadar u qaabilsan mucaawimooyinka ee (Qadar Charity) ay xafiis uga furan lahayd Somaliland, loona xoojin lahaa xidhiidh wada shaqayneed oo dhinaca mucaawimooyinka ah iyo samafalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here