Dowladda Jabuuti oo Ka Hadashay Dibad-baxyadii Dalkeeda Ka Dhacay

0
1720

Djibouti (Hargeisa Press) – Wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Muumin Axmed Shiikh oo la hadlay Golaha raadiyaha iyo television-ka Jabuuti ee RTD ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay aad uga soo horjeeddo dibad-baxyo xooggan oo shalay ka dhacay caasimadda dalkaas oo looga soo horjeeday hab-dhaqanka lagula kacay askari duuliye laba xidigle ah oo dowladda ay ku xidhay xabsi ku yaalla waddankaas.

Wasiirka ayaa sheegay in ayna dowladda Jabuuti u dulqaadan doonin,  dibad-baxyo ka dhan ah sharciga oo lagu wax-yeelleynayo hantida Umadda sida uu hadalka dhigay.

“Wixii shalay dhacay ma aheyn wax wanaagsan, mana aqbali kareyno in hantida shacabka la baabi’iyo ” ayuu wasiir Muumin Axmed Shiikh u sheegay Warbaahinta dowladda Jabuuti.

“Waxaan leeyahay dadka carruurta iyo haweenka soo saaraya garta halka la idinku wado, annaga waxaan mas’uul ka nahay ammaanka dadka, suura-gal maaha inaan eeganno waxaan dhacaya, wixii shalay dhacay intaa ha innooga ekaato,  waa dhagey farey ” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti.

Dalka Jabuuti waxaa shalay ka dhacay dibad-bax xooggan oo ka dhan dowladda,  laguna codsanayay in xorriyaddiisa loosoo celiyo laba xidigle Fu’aad Yuusuf Cali oo ah maxbuus iska soo duubay muuqaal isagoo ku xidhan suuli,  jidhkiisana uu ka muuqanayay gabood fal adag oo lagu sameeyay.

Wararka laga helayo Jabuuti ayaa sheegaya in dowladdu ay shalay xabsiga u taxaabtay dhowr qof oo lagu eedeeyay in dibad-baxyada ay soo aabuleen.

LEAVE A REPLY