Dowladda Itoobiya oo Soo Magacowday Wakiilkeeda Cusub Ee Somaliland

0
2317

Hargeisa (Hargeisa Press)- Dowladda Itoobiya ayaa waxaa ay si rasmi ah u soo magacowday Wakiilkeeda cusub ee Somaliland.

Dowladda Itoobiya ayaa Siciid Muxumed Jibriil u soo magacowday Wakiilkeeda cusub ee Somaliland, sida ay xaqiijiyeen ilo-xogogaal ahi.

Siciid Muxumed Jibriil ayaa haatan ahaa Gudddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Hargeysa.

Siciid Muxumed Jibriil ayaa bedelaya Amb Shamsudiin Axmed Rooble oo hore u ahaa wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland.

Itoobiya ayaa sheegtay in ay kor u qaadayso Derajada Xafiiska Itoobiya ee Magaalada Hargeysa.

LEAVE A REPLY