Dowladda Itoobiya oo soo dhaweysay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

0
1288
Raysal-wasaaraha Itoobiya Md Desalegn

Addis Ababa,(HargeisaPress) — Dowladda Itoobiya ayaa soo dhaweysay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ay ammaan u jeedisay sida ay doorashada u dhacday.

War ka soo baxay xukuumada Itoobiya ayaa lagu ammaanay sida ay u dhacday doorashadii maalintii shalay, isaga oo dhinaca kalana soo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya afarta sanno ee soo socta Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.

Doorashada ayaa sidoo kale waxaa soo dhaweeyay dowladdaha Kenya, Mareykanka iyo Turkiga oo dhamaantood muujiyay taageerada ballaaran oo ay u hayan madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya.

Dowladdaha Itoobiya iyo Kenya ayaa ka mid ah dowladaha ay ciidamada ka jooga dalka Soomaaliya, dhinaca kalana si dhaw ula socday doorashada oo aheyd mid siweyn isha loogu wada hayay natiijada ka soo bixi doonta.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY