Dowladda Itoobiya oo Laga Dalbaday Inay Somaliland U Soo Gacan-geliso Buurmadow

0
1932
Boqor Buurmadow

Hargeysa (Hargeisa Press) – Ugaas Cabdirisaaq Koosaar Cali oo ka mid ah madaxda dhaqanka Somaliland, ayaa si adag uga jawaabay eedeymihii uu Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow uu u jeediyey madaxweynaha Somaliland Musse Biixi Cabdi.

Ugaaska Cabdirisaaq, ayaa dowladda Itoobiya ka dalbaday inay Somaliland u soo gacan geliso Boqor Buurmadow, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay hadalkii ka soo yeedhay Boqorka.

”Ninkaas qaranka Somaliland dembi weyn ayuu ka galay, xitaa ciidanka ayuu u balan qaaday in 500 oo dollar uu mushaarka uga dhigi doono, wax walba inta uu soo dhaafay ayuu amnigii iyo difaacii qaranka soo fara geliyey,” ayuu yidhi Ugaas Koosaar.

Ugaaska, ayaa ku taliyey in Boqor Buurmadow talaabo adag laga qaado, iyadoo loo marayo in Itoobiya ay u soo gacan geliso Somaliland.

“Si xun oo sharaf iyo karaamo ayna ku harin ayuu u hadlay Buurmadow, cumaamada iyo koofida uu wato ayaan raali gelin ka bixinayaa, safaaradda Itoobiya codsi ha u qorto dowladda Somaliland, si ninkaas loogu soo gacan geliyo Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Hasse ahaatee, hadalkan Ugaaska, ayaa yimid kadib markii Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo wareysi siiyay telefishanka Horyaal uu eedaymo kulul u jeediyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo uu sheegay in Somaliland uu gaadhsiiyay meel aad u xun.

Boqor Buurmadow, ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu isku awood bidayo ciidamadii qaranka, isaga oo ku eedeeyay in shacabkii u talinayay uu ka dhigay kuwa uu dhul ka boobo iyo kuwa uu jeelasha ku guro.

“Muuse wakhtigii wuu ka dhamaaday oo Somaliland wey burburaysaa, cid qaban kareysaa ma jirto. Nin ay ka amaan heleen ganacsatadii, saxaafadii iyo salaadiintii, oo cid ka amaan helaysa ayna jirin bal ka waran,” ayuu yidhi Buurmadow.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Muuse waxaan isku hayna shacabkii ayaa ka shaqeysan kari waayay, ninka u dhow ee la fadhiista ayaan ahay marka aad u tagto reer ayuu kula xamanaya.”.

Hoos ka daawo hadalka Ugaaska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here