Dowladaha Somaliland iyo Kenya oo Kala Saxeexday Heshiis Cusub

0
1940

Nairobi (Hargeisa Press) – Dowladaha Somaliland iyo Kenya, ayaa waxaa ay maanta magaalada Nairobi ku kala saxeexdeen heshiis cusub.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland, ayaa lagu sheegay in heshiiskan iskaashi door wayn ka qaadan doono wada shaqaynta labada dal.

Warka ayaa u dhignaa sidan:-

“Waxa farxad u ah Jamhuuriyadda Soomaaliland in Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu heshiis is-afgarad wada shaqayn ah la gaadhay Hay’adda Boosta Kenya (Postal Corporation of Kenya). Heshiiska oo uu goobjoog u ahaa Wasiirka Tiknoolajiyadda, Hal-abuurka iyo dhalinyarada  Kenya Mr. Joe Mucheru.

Dhinaca, Somaliland waxa u saxeexay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Yuusuf Warsame Xassan, halka dhinaca Kenya uu u saxeexay madaxa Hay’adda Boosta Kenya Mr. Dan Kagwe.

Heshiiskani waxa uu suurto galin doonaa in bulshada Somaliland si fudud ugu diri karaan una heli karaan alaabta iyo waraaqaha ay u dariyaan aduunka oo dhan, sidoo kale waxa uu hirgalinayaa iskaashi buuxa oo dhex mara Soomaaliland iyo Kenya.

Heshiiskani ayaa daba socda dedaalo badan oo Wasaaraddu ku horumarinayso addeegyada boosaha iyo isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliland.

LEAVE A REPLY