Doorka Looga Baahan Yahay Sharci-yaqaannada iyo Suxufiyiinta Daba-socodka U Noqday Yooyootanka Muxaafidka iyo Mucaaridka

0
1025

Suxufiyiinta iyo Sharci-yaqaannadu waxa ay ka mid yihiin dadka xirfadlayaasha ah (Professionals) ee doorka ugu weyn ka qaadan kara ama ka qaata inay jiheeyaan hab-fikirka bulshada, iyadoo ay mihnadooda shaqo tahay mid ay inta badan u furan yihiin dhegaha iyo quluubta dadweynuhu.

Marka ay sidaa tahay, mihnadlayaasha ka hawlgala Hay’adaha Warbaahinta ama sida madaxbannaan u shaqaysta iyo qolooyinka sharci-yaqaannada ah waa inay ogaadaan inay ummadda u hayaan masuuliyad culus oo ay tahay inay u gutaan si waafaqsan anshaxa iyo mabaadii’da guud ee ay mihnadooda shaqo farayso, ummaddana macluumaad sax ah ka siiyaan hadba mawduucyada la xidhiidha khilaafaadka ka dhex dhasha mucaaridka iyo muxaafidka, balse haddii ay suxufiyiinta iyo.

sharciyaqaannadu la kala saftaan dhinacyada is-khilaafsan mihnadoodu waydhimanaysaa, waxaanna meesha ka baxaysa kalsoonida ay ku dhex haysteen bulshada.

Sidaa darteed, suxufiyiinta iyo sharci-yaqaannada reer Somaliland, waxa looga baahan yahay inay si sax ah ugu shaqeeyaan bulshadooda, dhexdhexaadna ka noqdaan afkaaraha kala duwan ee ka socda gudaha dalkooda, marka laga reebo wixii sharcigu jideeyey in aan dhex laga noqon karin, sida diinta islaamka, ilaalinta qarannimada iyo waxyaabaha sida gaarka ah u taabanaya ama u damqaya dammiirka guud ee mujtamaca.

Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa xiligan ka taagan ama inta badan ka dhaca khilaaf u dhexeeya Xukuumadda talada dalka haysa iyo xisbiyada mucaaridka ah, waxaannu khilaafkoodu ku soo ururaa labada qodob oo kala ah; khilaaf sharci (legal disputes) oo arrimo khuseeya sharciga la isku qabto iyo khilaaf siyaasadeed (political disputes) oo ka dhasha arrimo salka ku haya siyaasadda, waxayna labada dhinacba ama mucaaridka iyo muxaafidku ay bulshada u gudbiyaan go’aanno iyo doodo uu mid walba dhankiisa ku sheeganayo inuu saxsan yahay, dhinaca kale eedaymo ugu jeedinayo, waxayna arrimahaasi khalkhal iyo jaho-wareer badan ku ridaan dadweynaha.

Haddaba, suxufiyiinta iyo sharci-yaqaannada ayaa laga doonayaa inay si madaxbannaan uga garsooraan waxyaabaha ay isku qabsadaan Mucaaridka iyo Muxaafidku, gaar ahaan marka khilaafku yahay mid salka ku haya arrimo sharci, sida maanta taagan oo kale, balse waxa muuqata in warbaahinta iyo inta badan bahda sharciyaqaannadu ay ku dhex milmeen afkaaraha ay iskaga soo horjeedaan Xukuumadda KULMIYE iyo Xisbiyada Mucaaridka ah, taasoo sababtay in warbaahinta badankeedu ay noqdeen qaar buun-buuniya kolba sida ay aamminsan yihiin xisbiga ama cidda ay taageersan yihiin, halka sharci-yaqaannaduna ay u kala baxeen qaar sharci innoog dhiga fikirka ay qabto Xukuumadda KULMIYE iyo koox kale oo sharci ahaan xaaraantinnimeeya doodaha muxaafidka, sharcina ka dhiga afkaaraha ay qabaan xisbiyada Mucaaridka ah.

Tusaale ahaan, waxa ay hadda doodi ka taagan tahay in mar kale dib loo furo Ururrada Siyaasadda, maadaama ay muddo-xileedka xisbiyada qaranka ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID ku eegtay sannadka 2022-ka, arrintaas oo ay mucaaridku diidmo ka muujiyeen, sidoo kalena soo jeediyeen in la qabto doorasho Madaxtooyo oo laga soo horaysiiyo waqtigeeda, waxayna doodaha noocan ah ku salaysan yihiin khilaaf sharci oo la xidhiidha arrin dastuuri ah oo khusaysa wax-ka-beddelka muddo-xileedka Madaxweynaha iyo arrin xeer jideeyey oo ah muddada xilka saddexda xisbi qaran ee tobanka sanno ah, waxaanna maalmihii u dambeeyey saxaafadda la hadlay sharci-yaqaanno sheegay in sharci-darro ku tilmaamay in la soo gaabiyo muddada xisbiyada iyo qaar kale oo arrintaas ku taageeray Madaxweynaha, iyadoo ay qolo walba sharci soo dalliishanayso, waxayna warbaahintu doodaha noocaas sidooda ugu sii baahiyaan bulshada oo ku dawakhda inay inay si sax u kala ogaato cidda dariiqa saxda ah ku taagan iyo dhinaca khaldan ee qardo-jeexaya, jaho-wareerkaasna waxa sabab u ah suxufiyiinta iyo sharci-yaqaannada dalka.

Dadweynaha reer Somaliland xaq uma laha inay ku dhex dawakhaan Mucaarid iyo Muxaafid isku muuqda danihii qaranka kaga mashquulay xafiiltan dhexdooda ah, balse waxa ay bulshadu xaq u leedahay inay hesho adeegyo horumarineed iyo waxqabad muuqda, waxa kaloo ay xaq u leeyihiin inay helaan cid dhexdhexaad ah oo si madaxbannaan ugu soo gudbisa xuddunta arrimaha ay isku khilaafsan yihiin Xukuumadda KULMIYE iyo Xisbiyada Mucaaridka ah, iyadoo ay doorkaasna qaadan karaan suxufiyiinta iyo sharci-yaqaannadu – waa haddii ay si sax ah u gutaan masuuliyadda ay farayso mihnadooda shaqo.

In la helo suxufiyiin iyo sharci-yaqaanno si madaxbannaan oo xirfadi hagayso u saxa khaladaadka ay galaan Mucaaridka iyo Muxaafidku, maaha mid ay dani ugu jirto oo qudha bulshada Somaliland, balse waxay sidoo kale xakamme u noqonaysaa Xukuumadda KULMIYE iyo Xisbiyada Mucaaridka ah ee kolba sida ay doonaan u dar-jiidhaya, sida ay doonayaana kolba ula hadla dadweynaha, ugu yaraana waxay arrintaasi u noqon lahayd inay dareemaan cabsi ah in aanay ku hadlin waxyaabaha borobogaandaha ah ee lagu caayayo caqliga iyo garaadka bulshada.

 

Waxa qoray: Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland.

LEAVE A REPLY