Doorashada Madaxweynaha Turkiga oo Maanta si rasmi ah u bilaabatay + SAWIRRO

0
933

Istanbul, (HargeisaPress) — Shacabka dalka Turkiga oo markii ugu horreysay soo dooranaya madaxweynihii dalkaas xukumi lahaa ayaa maanta billaabay inay u codeeyaan murashaxiinta xilkan u tartamaya oo uu ku jiro ra’iisul wasaaraha dalkaas, Reccep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa waxaa horay u soo dooran jiray baarlamaanka, waxaase tani ay timid kaddib markii isbedel lagu sameeyay sharcig Turkiga, iyadoo madaxweynaha cusub uu xilka hayn doono muddada shanta ah ee soo socota.

Xubnaha xilka madaxweynenimo ku loolamaya ayaa waxaa ugu cad-cad Erdogan oo muddooyinkii dambe hoggaaminayay siyaasadda Turkiga, iyadoo ay la tartamayaan xubno kale oo si weyn dalkaas looga qadariyo.

Erdogan ayaa saddex jeer oo isku xigta ku guuleystay doorashada xil ra’iisul wasaarenimo ee Turkiga, iyadoo waxyaabaha sida weyn loogu qadariyo ay ka mid yihiin inuu dalkaas gaarsiiyey horumar. Waxaana xisbigiisu ka helay doorashooyinkii ugu dambeeyay ee dalkaas ka dhaca 43% oo ah intii markii hore la filyay inuu doorashooyinkii hoose ka helo.

Murashaxiinta la tartamaya Erdogan ayaa waxay kala yihiin; Ekmeleddin Ihsanoglu oo 70-jir ah, horeyna u ahaa guddoomiyaha ururka iskaashiga Islaamka iyo Selahattin Demirtas oo kasoo jeeda qowmiyadda Kurdiga ee laga tirada badan yahay.

Codeynta doorashada madaxweynenimo ee Turkiga ayaa waxaa ka qayb-galaya 53 milyan oo ka mid ah 77-ka milyan ee shacabka Turkiga. Haddii mid ka mid ah musharixiintu uu ku guuleysan waayo in ka badan 50% ayaa waxay noqonysaa in labada murashax ee ugu codka badan ay mar kale ku tartamaan xilka.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY